|

Qarax Xooggan oo lala Eegtay Gaadhigii Gud. Tarsan iyo Ajaanib saanraa oo Khasaare Soo Gaadhay

qaraxmiinoMugdisho:8-Aug-2013 (SDN) Qarax Miino  oo Xalay Fiidkii  lala eegtay gaadhi uu lahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan.

waxaana gaadhiga xiligaasi saarnaa laba Engineer oo u dhashay dalka India iyo Ilaalada Gudoomiyaha Gobolka, iyadoo khasaare Nafeedna uu goobta ka dhacay.

Sida ay wararku sheegayaan Tarsan ayaa gaadhiga xiligaasi saarneyn, waxaana ku dhintay qaraxa miino mid ka mid ah ilaalada gaadhiga, waxaana dhaawacyo halis ah uu kasoo gaadhay Labada Engineerada ee u dhashay dalka India, oo mid ka mid ah xaaladiisa ay liidato.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyay oo lala bartilmaameedsaday gaadhiga meel biyo Fadhiisin  ah oo ku dhow Miisaanka dhuxusha ee Jidka Warshadaha.

Engineerada u dhashay India ayaa qiimeynayay maalmahan xarumaha degmooyinka oo la doonayo in howlo dhismo ah ay ka fuliyaan, waxaana mudooyinkan ay ku howlanaayeen engineerada howlaha bilic soo celinta magaalada iyo dib u dhiska xarumaha dowladda.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana qaraxan uu ku soo beegmaya, iyadoo maalintii shalay

Muqdisho uu ka dhacay kulan ammaanka looga hadlayay oo ay ka qeyb galeen hey’adaha ammaanka, Mas’uuliyiinta Gobolka, Gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo Taliyeyaasha saldhigyada.

 

Somalidiasporanews.com

Mugdisho/somaliya

 

Comments are closed