Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo daboolka ka qaaday inay Beri Ciid tahay
Hargaysa 07.Aug (SDN) Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa shaaca ka qaaday inay maalinta berri ah tahay munaasibaddii ciidul fidriga, waxaanu sheegay in laga ciidayo dalka iyo dunidda islaamkaba.
Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo ka hadlayay Masjidka Cali Mattaan ayaa sheegay in bishii laga sheegay dalalka jaarka ah qaarkood sida Jabuuti, Sucuudiga iyo qaar ka mid ah goboladda Somaliland.
Wasiirka Diinta iyo awqaaftu waxa uu Shacbiga Somaliland ku bogaadiyay munaasibadda ciidul fidriga, waxaanu ILAAHAY ka baryay inuu ka aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen bishii Ramadaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com