Mr. Siilaanyo…Qaranimaddu Qabyaalad iyo Boob Maaha!
Marka hore waxaan u mahad naqayaa Allaheena weyn ee macbuudka ah. Marka xiga waxaan salaan qiimo badan salaamayaa dhamaan ummada islaamka meel waloo ay ku sugan yiin gaarna waxa aan u sii salaamayaa bahdaydada Somaliyeed ee aanu sinjiga guud wadaagno.. Markalena waxaan salaan qiimo badan u soo tabinayaa dhamaan ummada reer somaliland iyowargeysyadda qiimaha badan. Marka afraad Alleh ha u sahlo caalamul islaam guud ahaan, agar ahaana ummadeena xaaladda qalqalafsan ee ku gadaaman dhan kasta.
In kastoo aynu wadda ognahay in ay Somaliland ka badbaaday masiibooyinka iyo colaadaha ka socda south somalia in ka badan 22 ay mushkiladda isa saarani ka soconaya Muqdisho iyo hareeraheedda iyo meelo kale oo ka tirsan Koonfurta Somalia, oo aynu odhan karo waxa qudha ee ay somaliland ay cawo iyo nasiib u heshay waa xasiloonida iyo nabad galyadda mudadaa dheer ay ku caano maalaysey, taas oo aynu Alleh ugu mahad naqayno mar walba ayaa hadana waxa leh guushaa mushtamaca reer somaliland oo ku dhaqma xeer iyo dhaqan soo jireen ah oo ay wadaagayeen waligoodba, dhaqankaasayaa kobciyey sugayna xasiloonidooda.
Waxa aynu ognahay in maamuladii iska danbeeyey aanay haba yaraatee lahayn wax guula oo ay ummada u qabteen, balse ummadu ay la timi wax waloo wanaaga oo mushtamacaasi kasbaday ama cidi ku majeerato. Taariikhda maamuladda isa soo daba taagnaa ee ummadan soo maraa waxa ay ahyeen kuwo ku guuldareysta horumarinta ummad iyo dhisida dawlad lagu wada qanacsan yahay oo taabo qaada, mid walibana waxa ay ahmiyadda siinaysey sidii ay hantida qaranka ugu tagri fali lahayd waana nusqaanta ugu weyn ee maamul ummadi dooratay la yimaado. Maamuladii hore ayaa qaarkood ahayeen kuwo isku dila ummada oo shaaracyadda isla soo taga ama kaga dhawaaqa ereyo aan munaasib ku ahayn hogaanka iyo xilka loo imaday kalana saari waayey qabyaaladda iyo hogaanka qaranka, dhacdhacyadaas iyo aqoon xumidaas dhanka hogaaminta ee maamuladaas ayaa kalifay isku dil iyo dagaal sokeeye oo baahay kaas oo ay ku qudh baxeen ummad aad u tiro badani halka tiro kale oo badani ay ku weydey maalkoodii iyo xubno jidhkooda ka mida markii dhaawacyo culusi ka soo gaadheen dagaaladaa ay MAAMUL XUMIDDA IYO CAQLI-XUMIDA hageysey.
Maamulkan maanta jira ee Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu kuwii hore kaga wacdaro cad yahay waa qabyaalad aan cidna lagala gabaneynin Allena aan lagala xishooneynin oo weliba dood iyo indho edgy ay TV-da la soo taaganyiin. Waxa ay caan ku tahay boobka hantidii qaranka oo ay si badheedha ugu takri falayso iyadoon xeerinaynin waxbana. Isagoo mushtamacu aanu raali ka ahayn qaladaadka maamulkan hadana hadana karis-xun iyaduna wax ku la´ ayey Soomaalidu ku maahmaahdaaye, sharci ku tumashadda iyo cadaalad-darraddu waa wax mada saameynay ummada caam ahaan iyo qaran ahaanba waana ficil hadii aad maamul ahaan ku sii dhaqantaan dumin-kara qaranimadda BEEDKA ah ee aynu sacbadda awooda daran aynu ku sidno.
Mahmaah somaliyeed baa tidhaa, habar dhali weydey aleelo ku waalatay, Madaxweyne Siilaanyo, wasiiro bedbedelka uu sameeyey ee golihiisa wasiiradu maaha mid marnaba soo kordhiya dedaal iyo mgac ay kasbato xukuumadani balse waxa ay soo kordhisay uun xaalada oo cirka isku sii shareerta. Hadii aan si caama looga gilgilan kala gurka mushtamaca iyo amar-ku-taaglaynta ay ku amar-ku-taaglaysyo taladda dalka, dhaqaalaha iyo siyaasada dalka awgood ee ay wado dawladani Mr. Siilanyo shaki kuma jiro in ay khalkhal iyo rajo xumi ay soo foodsarayso qaranimadda iyo xasiloonida ummada reer Somaliland ay lumidoonto laguna hongoobi doono rajadii Somaliland ka qabtay ictiraaf caalami ah oo dawladda caalamka ay ka hesho ayna noqon doonaan ceeryamo iyo waxaan suurtoobi doonin, isla markaana midnimadda iyo wada noolsha beelaha reer Somaliland ay noqon doonaan waxaan lugo ku taagnaan arrinkuna isu bedeli doono waxaan cidina saadaalin karin.
Midnimadu waa isku-duubnaan iyo wadda jir dhaxalkeedu yahay guul iyo barwaaqo aad iyo aada. Wada jirku waxay lagama maarmaan u tahay wax wada qabsiga iyo guulaha aadame gaadho markay gees isu raacaan cadaaladana ay sida dabka kulaalaan ee loo siman yahay shuruucda dalka iyo axdiyadda qaran , waxa ka mida macaanka cadaaladda tayada fiican ee nabadda sida wda jirka ah loo wadaagayo iyo horumarka ummada. Guusha ummadi ku faantaa ama ay sheegataana waa yuhuunta mida ah iyo ururrsanaanta wax taransigooda dhan walba ah waana dariiqa lagu hantiyo horumar la taaban karo, waana tacabka ummadi ay d’adeeda danbe uga tagto ee ay u dhigto. Ismaqalkuna waa dhidibada qaranimo iyo talo wadaaga bulshadda. Waa xaqiiqo jirta marka ummadi isku duuban-tahay ay wada qabsan karaan wax ka badan wixii ay qabsan lahayd marka ay kala jiraan ee ay dhabarka isu jeediyaan dhan wlba ee ay kala qaybsan tahay.
Ummada waxa wada deeqa ee walaaleeyee waa cadaaladda iyo xaqsoornimada oo lagu hago, cadaaladuna waa saldhiga habdhaqanka wanaagsan ee ummadi ay wadaagto , nabada, horumarka ummada & midnimada bulshada intaasba waxa suuro geliya cadaaladda. Hadii cadaaladdu siqiirto qaranimaduna way siqiiraysaa oo wax kala soconayaa ma jirto, mid dhadhan gaara ay u sameyneysay iyo mid aan fahansanaynba. Mr. Siilaanyo maaha in uu intuu cadaaladda ku tunto uu waliba yidhaa gacan qaada kuwii la gawracay ee inytay saanta ka saareen bohosha ku riday Xirsi waa shaksi marka qaranka loo eego isagaana fudud oo xilka ummada waydaaran doona hadii uu ku sii socdo ficiladan macangagnimada ah ee jahliyadu hagayso waxa uu waayi doonaa xuquuqda muwaadinimo waana la ugaadhsan doonaa sidii xaafada Hargeiysa qaarkood ka dhacday. Sidoo kale hadii laga dhaga adeygo taladda mushtamac-weyna reer somaaliland waxa la arki doonaa maamulka Mr. Siilaanyo oo ka liita sida uu yahay hadeer kadibna shacbigaa go’aan ka gaadhi iyo qaraar qadhaadh oo lagu daadifeynayo hogaanka dawladan Mr. Siilaanyo, sidii loo daadifeeyey hogaankii kali taliska ahaa ee Af-Weyne Bare.
Xilka jamashadiisu cid wax kuyeel maahaQawlaladda Buuxsoo Kaligaa Qaxwee MaahaQaran ururrsan ku kala kaxee maahaMaati rajo ku noola u quus-goo maahaMagan Allee ubaxii dalku ha tahriibto maaha