|

Hargeysa: Qiimaha Timaha lagu xiiro oo kor-u-kac Ballaadhani ku yimi iyo Saamaynta Dhalliyarada

3341644418_31c54a8c3a_mHargeysa : 7-Aug-2013 (SDN)Guud ahaanba caalamka islaamka waxa kaabiga ku soo haysa oo si weyn loo sugaya munaasibadda ciidda Barakysan ee Ciid-al-fidriga.

Diyaargarawga loogu jiro maalinta ciidda, ayaa waxa ay saamayn weyn ku leedahay Nolosha shacabka Somaliland, gaar ahaan waxa raad weyn kaga yeelatay dhinaca Dhaqaalaha.

Dhallinyarada oo  iyadu ah cududa  kaliya ee  sida aadka ah u bila munaasibadaha Noocan oo kale ah, ayaa ayaamahan Dareemaya cidhiidhi dhinaca dhaqaalaha ah oo ka haysta dhinacyo kala duwan.

Arrinta dhallinta Reer Hargeysa sida aadka ah u taabatay ilaa xad ayaa ah xiirista timaha oo uu ku yimi qiimo-kac ballaadhani, waxana ay ku biirtay dharka iyo Kabaha oo Doorkan qiimo kac badani ku yimi.

Ka hor intii aanay soo dhawaan ciiddu, ayaa qiimaha lagu xiiro Timuhu waxa uu ahaa Min Hal Doollar ilaa iyo Saddex Doollar($1-$3), haddase waxa yimi is-bedel weyn oo dhinaca qiimaha Timaha lagu xiiro ah.

Qiimaha ay  haatan qaadaan dadka ku shaqaysta xirfadda timo-jaridda, ayaa gaadhay ilaa lix Doollar($6), iyadoo meelaha qaar oo markii hore lagaga xiiran jirey wax ka yar Hal Doollar ay haatan gaadheen ilaa Saddex Doollar.

Arrintan ayaa saamayn weyn ku yeelatay badiba shacabka ku Nool Caasimadda Hargeysa, gaar ahaan dhallinyarada iyo waliba wiilasha yaryar ee waalidku daadihinayaan oo iyagu maalmahan si aad ah u xiirta Timaha si ay kor ugu qaadaan bilicdooda.

Qiime korodhkan ku yimi xiirista Timaha ayaan ku ekayn oo kaliya magalaalada  Hargeysa, waxase sidaas oo kale laga soo sheegayaa magaalo-madaxyada Gobolada Somaliland oo dhan.

Qaar ka mid ah Dhallinyarada Reer Hargeysa oo aanu wax ka weydiinay kor-u-kaca  ku yimi qiimaha Timaha lagu jaro iyo saamaynta ay arrintaasi ku yeelaynayso, ayaa noo sheegay inay dareemeen qiimo kacan, balse ay ku khasban yihiin inay ku galaan, maadaama la gelayo maalmo farxadeed oo u baahan in loo quudho oo loo huro intaa iyo in ka badanba.

Korodhkan ku yimi xiirista Timaha, ayaa lagu wadaa inuu sii socdo ilaa iyo inta laga gaadhayo Maalmaha Ciidul Fidriga, waxana la rajaynayaa inay ciidda ka dib qiimuhu sidii uu hore u ahaan jirey ku soo noqon doono.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

Mawliidguure@yahoo.com

Hargeys/Somaliland.

Comments are closed