|

Dab ka kacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi

index6-160x100Nairobi:August 7- 2013 – (SDN) Masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay in  uu dab xooggani ka kacay Qayb ka mid ah  Garoonka Diyaaraha Ee  Jomo kenyata.

 

Sidoo kale waxa ay masuuliyiinta Garoonku sheegeen in dadkii rakaabka ahaa laga daad gureeyay garoonka, iyadoo Sawirro lagu daabacay baraha Internetka ayaa muujinaya muuqaalo qiiq iyo holac ah oo ka baxayay dhismaha garoonka diyaaradaha ee Kenya.

Ma jiro warar rasmi ah oo xaqiijin kara qasaaraha iyo waxa sababay dabkaasi oo illaa hadda la hayaa.

War qoraal ah oo ay soo sareen masuuliyiinta garoonka ayaa lagu yidhi “Waxaan xaqiijin karnaa dabka ka kacay garoonak inuu saameeyay qeyb kamid ah dhismaha muhiimka ah ee garoonka, waxaana kooxda badbadadu ay wadaan daad gureynta dadka, dadka rakaabka ahna waa la daad gureeyay iyagoo bad qaba oo aan waxba qabin”

 

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa sheegay in dabka uu ka bilowday qeybta Immigration-ka garoonka, ayna wadaan dadaalo ay ku ogaanayaan waxyaabaha keenay.

 

Garoonka ayaa la sheegay in la xidhay  mana jiraan  warar dheeraad ah laga helayo waxyaabaha dabka keenay.

 

Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed