Wiil 4-sano jiray loo Doortay Duqa Magaalo ka tirsan Mareykanka
Dorset:7-Aug-2013 (SDN)Robert Bobby Tufts oo ah 4 sano jir, ayaa markii Labaad ku guuleystay doorashada duqa magaalo yar oo la yidhaahdo Dorset kuna taal Waqooyiga Minnesota ee dalka Mareykanka, kadib markii uu helay cododka dadka deegaankaasi oo aan u kala hadhin.
Robert Tufts oo warbaahinta dalka Mareykanka ay si weyn uga hadleen ayaa waxa ay ku macneeyeen inuu yahay wiil yar oo aad u jecel ice cream iyo kalluunka, waxayna sheegeen in aanu dhigan wax Iskuul ah.
Dadka deegaanka iyo dadka kale ee u soo dalxiis taga magaalada Dorset ayaa ku naaneysay Mayor Tufts, waxaana ku nool magaalada uu Maayarka ka yahay 28 qof kaliya, waana magaalo dalxiis.
Mr. Robert Tufts ayaa xilkan markii ugu horeysay loo doortay isagoo Saddex sano jir ah, waxaana mar kale loo doortay hadda oo Shantiisa sano ay u buuxsami doonto 5 October.
Hooyada dhashay Mayor Robert oo lagu magacaabo Emma Tufts ayaa doorashada wiilkeeda ku tilmaamtay mid farxad gelineyso nafsadeeda iyo dadka uu Mayorka u yahay, iyadoo tilmaamtay in qorshaha wiilkeeda uu yahay inuu lacag sadaqo ah u ururiyo dadka danyarta ah si uu u caawiyo, sidoo kale magaalada Dorset uu ka hirgelin doono Huteelo caalamka looga yimaado.
Somalidiasporanews.com