Hogaamiyihii Hore ee Xisbiga Haya Talada Britain oo ka Sheqeeyay Heshiiska dhexmaray Shirkada Soma Oil and Gas iyo Dawlada Soomaaliya
London Aug 08,2013(SDN)-Hogaamiyihii hore ee xisbiga Tory ee haya talada dalka Britain Michael Howard ayaa la sheegay in uu ka shaqeeyay heshiis dhawaan dhex maray shirkad shidaal baadhis ka sameyn doonta Soomaaliya iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya.
Howard oo dhawaan uu ku biiray shirkadan cusub ayaa durba waxa uu ka noqday madax isla markaana waxa uu qalinka ku duugay heshiiskan dhex maray Som Oil and Gas iyo Soomaaliya.
Xiisaha Shidaal baarista eeska Africa ayaa cirka isku shareeray ka dib kolkii ay soo shaac baxday in xeebaha dalalaka Kiinya Tanzaniya iyo Mozambique ay ceegaagaan Shidaal.
Taasi waxa ay sababtay in shirkado dhawaan ku soo biiray suuqa shidaal baaristu ay isku qaadaan Soomaaliya.
Shirkada Soma ayaa la guwadaa in ay dalka ka sameyso baaritaano lagu sahminayo baddaha fog ee dalka oo ay ku bixi doonto Sharashaad ka badan %20 million oo dollar.
Soma wax baaritaan ah kama sameyn doonto xad badeedka Soomaaliya iyo Kinya oo haatan muran ka taagan yahay.
Sidoo kale kama hawlgeli doonto degaanada ay hore baaritaanada uga sameeyeen shirkadihii ka horeeyay ee sida Shell iyo Total.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com