Shir lagaga hadlayay go’ankii joojinta Qaadka iyo sidii loo caawinlaha dadkii cuni jiray oo ka dhacay manta magalada Milton Keynes
Milton Keynes Aug 07,2013(SDN)-Shalay saacadu markay ahayd 13.15 xiliga Milton Keynes waxaa xafiiska u dooda xuquuqda dadka (Racial equality) isku imansho ama kulan ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Somaliyeed ee Milton Keynes.
Shirkaaso uu hor kacayeen Guddoomiye ku xigeenka joojinta qaadka Uk Mudane Adan Kahin isla markaana ah Xildhibaanka Deeganka Milton Keynes, Xildhibaan Yusuf Diriye, Abdala Yusuf Madax Xisaabadka Jaaliyad, xooghaya Jaliyada Abdi Abdilahi iyo Mudane Jama suguleh Guddoomiye ku xigeenka Jaaliyada Somaliyed ee Milton Keynes.
Waxay Jaaliyadu soo soo casuumeen MP Mark Lancaster oo ahaa ninkii ugu doorka weynaa ee hordhigay Baarlamaanka Ingiriiska joojinta Qaadka iyo madax kale oo ka socotay Counsilka Milton Keynes sida Mr. Tom Fraser.
Markii uu MP Lancaster shirkii furay kadib, waxa halka ka hadlay Mudane Adan Jama Kahin oo ah Ku xigeenka ladagalnka Qaadka UK. Wuxu sheegay intii uu Mudane Larcaster la shaqaynayay Gudigoodka oo ku sugnayd ila 4 sano. Inay adkaanlahayd in arrinta Qaadku gaadha Parliament UK iyo Wasiirka Arrimaha Gudahaba. Wuxu yahay Mr. Larcaster nink halka arrinta gaadsiiyay abaalkaa uu noo galayna dhamaan Somalida UK degeni way u haysa.
Waxa halka lagu falanqeeyay Ka dib marka la joojiyo qaadka dhibaataada ka iman karta iyo sidii dadkii cuni jirey ama kuwii ka ganacsan jireyba loogu heli laha xal waara oy ay kaga badbaadaan dhibaatada uu Jaadku ku keenay ,shaqo abuurid iyo sidii xirfado kala duwana loogu samayn lahaa.
Waxaan meesha ka maqnayn sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta bulsha weynta Somaliyeed xagga fikirka caafiaadka qaba ee ku waajahan aqoontooda. Sidii looga badbaadin lahaa dhalinyarada soo koreysa loona tuso aafada Qaadku ku keenay bulshadeena,iyo weliba siddi looga samata bixin lahaa guud ahaan waxyaalaha maanka dooriya.
Wuxuu MP Lancaster balan qaaday wax yaalihii ay ka codsaden Jaaliyadu inuu hor geyn doono Home Secretary Theresa may bisha September ee sanadkan.
Ugu dambayntii waxaa laysku waafaqay in Qaadka sida lagu joojiyo balse loo baahanyahay in la caawiyo bulshada inta uu dhibaatada ku keenay lana isku taxalujiyo sidii dadka lagu soo dabaali lahaa jidka wanaagsan ,Loona sahlo dariiqooyinkii arrimahaa suuro gelin lahaa.
All Mahadleh.
Af hayeenka Jaaliyada Somaliyeed ee Milton Keynes
Jama suguleh