|

Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa oo Olole Nadaafadeed iyo u diyaar garowga Ciida ka hirgalisay Caasimada

Hargaysa 06.Aug (SDN) Dawlada Hoose ee Caasimadda hargaysa ayaa maanta ka hadashay sida ay dawlad hoose ahaan ugu diyaargaroobeen munaasabadda Ciidul fidriga ee foodda inagu soo haysa.

Mayorka Caasimadda cabdiraxmaan Caydiid (Soltelco) oo maanta warbaahinta kula hadlay goob ay dawlada hoose shaqo nadaafadeed ka waday ayaa sheegay in looga baaahan yahay dadweynaha caasimadda inay munaasabadda ciidul fidriga ilaashadaan ammaankooda si ay ciiddu ugu noqoto mid dhadhan wanaagsan yeelata.

Mayor-ku waxa uu sheegay inay dawlada hoose waddo olole maalmo kooban ah oo lagu hagaajinayey laguna daryeelayey goobahii ciidda lagu tukan lahaa halka sidoo kalena ay socoto hagaajin lagu samaynayo waddooyinka oo laga xaadhayo cammuudii ay daadadku keeneen.

Dhanka kalena Mayorku waxa uu xusay ololihii guud ee nadaafadeed ee socday bishii barakaysnayd ee ramadaan waxana uu digniin u diray gaadiidka daadgureeya qashinka iyo hadhaaga guryaha la dhiso iyo kuwa la dumiyo isagoo sheegay inay caadaysteen gadiidkaasi inay qashinka ku daadiyaan garoomada ciyaraha ee maxalliga ah qaarkood, waxana uu ka dalbaday inay joojiyaan isla markaana gaadhsiiyaan qashinka goobaha loogu talo galay.

Hargaysa SDN,

Qurbejoog.com

Comments are closed