|

Mujjaahid Cali Gurey:Mawqifkii Gudoomiyaha Kulmiye ee ku Aadanaa Gollaha Wadatashiga waxa uu ka Careysiiyay Wasiir Xirsi

Hargeysa Aug 06,2013(SDN)-Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md Cali Gurey ayaa ka hadlay mawqifka ay Wasiir Xirsi iyo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ka kala qaateen Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka iyo mawqifka uu qaatay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Mujaahid Cali Gurey oo araadiisan ku soo bandhigay bogiisa Facebook ayaa waxa uu yiri”Kooxda la magac baxday Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka markii ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen golaha ay sameeyeen siyaabo kala duwan ayaa looga kala fal celiyay.

Inta ku sheegtay ku dhawaaqidda Goluhu inay tahay sharci daro waxay ahaayeen xukuumadda ama kuwo ay xukuumaddu ka hadlisay ama sida moobilka ay lacag ku shubatay.

Isku wada dar ma jiro mid ka mid ah xukuumadda ama dadka ay adeegsanaysay oo sharciga lagu xad gudbay taabtay hal qodob na ha ahaado .

Xataa may kala cadayn inay dastuurka u jeedaan iyo inay xeer barlaman ujeedaan, sababtuna waa mafhuum.

Ma jiro qodob sharciga Somaliland oo ku dhawaaqidda goluhu uu ka hor imanayaa. Laakiin waa suurtogal inu ka hor imanayo sharci darada maanta dalka lagu xukumo.

Marka aynu dadkii ka hadlay arinkan cusub dib u eegno dhinca xukuumadda bal wasiirka madaxtooyada soo qaado. Isagoo kala Baydh jooga ayuu hadlay, golaha kamuu hadal iyo sharci darada uu ku sheegayo bal se wuxu si shakhsiyadaysan weerar toos ah oo cay iyo af legaado keliya ah ugu qaaday xubno ka mid ah kooxdii ku dhawaaqday golaha.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo isagu wadadii Xirsi oo dabcan ah sidii uu jeclaa madaxwaynuhu waxay ka xanaajisay kooxda Xirsi ee xukuumadda ka tirsanayd, lakiin dhinaca kale waxa la odhan karaa waxay ilaa iyo xad dejisay xaaldii hadii kale cirka isku shareeri lahayd ee khilaafka dhinacyada kala taageersan aragtiyaha labada dhinac ee Golaha iyo xukuumadda.

Waxa nasiib daro ah labada hadal ee Xirsi iyo Muse Bihi in ka madaxwaynuhu jeclaystay uu noqdo ka Xirsi, taas oo miqyaas aynu ugu dhigan karno nooca hogaaminta dalka xili madaxwayne Silanyo ay muddo xileedkiisii uga hadhsan tahay wax ka yar lab sanadood iyadoo xiligan jawiga dhinaca siyaasaddu guud ahaan uu yahay mid cakiran inu sii cakirmo na ay u dhawdahay marka xaalka madaxwaynuhu wada tashi iyo kala tashi uu noqdo laba kala daran mid inuu doorto ee weliba ta u daran ee inoo wada daran uu doorto.

Dhinaca xukuumadda ninka qaldan ee siyaasadii madaxwaynaha ka leexday maaha wasiirka madaxtooyada ee isagu ka tarjumayay siyaasadda, aragtida, iyo rabitaanka madaxwane Silanyo, bal se ninka qardo jeexa qaaday ee arinka midi roorteeyay waa gudoomiyaha kulmiye, Muse Biixi oo markiisii horeba ula booc ah loogu tukubayay.

Si kasta ba xaalku ha ahaado eh waxa muuqata in madaxwayne Silanyo aanu marna u soo jeedin xaga wada tashiga iyo in wixii khilaafaad ah xalin tooda loo maro hab nabadeedkii ay Somaliland ku soo caano maashay ee khilaaf xalinta, hadii xataa isagu uu dooni lahaa na, inta ku xeeran ee Xirsi uu kowda ka yahay ayaan ogolayn isagu na waxba kuma diidi karo.

Ugu dambaystii waxan filayaa eraygii “is muquuninta” ee hore uga maqnaa qaamuska Somaliland in markan ay talo xumada xukuumadu ay ku soo dari doonto- cid wax muquunisa iyo cid la muquuniyo ba.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed