Ra’iisul Wasaaraha oo shacabka uga tacsiyadeeyey geerida Cismaan Caato
Muqdisho August 6, 2013(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa tacsi u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Xasan Cali “Caato” oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
“Anigoo ku hadlaya magaca xukuumada, waxaan halkan tacsi u marinayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Cismaan Caato iyo dhamaamba shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo intaasi ku daray inuu alle uga baryayo inuu Janada ka waraabiyo.
Marxuum Cismaan Caato ayaa ahaa siyaasi ahna ganacsade xilal kala duwana ka soo qabtay dawladdii KMG.
Innaa lillaahi wa innaa illaahi raajicuun