”Kenya cidna lama safan” Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya
Kampala 05.Aug (SDN) Wasiirada Arimaha Dibada Kenya Aamino Maxamed ayaa sheegtay inaysan jirin cid ay si gaar ah ula safteen intii ay jireen colaadihii Jubooyinka, iyadoo xustay in eedeymaha arintaas ku saabsan ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan jirin.
Aamina ayaa sheegtay in qorshaha laga leeyahay arintan uu yahay sidii loo xagal-daacin lahaa qorshaha xalka loogu raadinayo Somalia oo colaado ay ka jireen muddo ka badan 20-sano oo xiriir ah.
“Dowlada Somalia ma jirto cabasho toos ah oo ay inaga noosoo gudbisay, balse waxaa jirta in qoraal ay u dirtay Midowga Afrika, waxaana jira arimo badan oo u baahan inaan si wadajir ah uga shaqeyno, waxaana ka mid ah sidii Somalia xal loogu heli lahaa marka la gaaro sanadka 2016” ayay Amina ku sheegtay wareysi ay warbaahinta ku siisay Kampala.
Wasiiradu waxay sheegtay in dalkeeda ay ka go’an tahay inuu qayb weyn ka qaato dib u soo celinta Amaanka Somalia isla markaana aysan jirin cid ay la safan yihiin ciidamadeena qaybta ka ah AMISOM.
“Haddii gacmaha la isqabsado waxaan gaari karnaa hadafkeena ah inaan gaarno halkii aan higsanaynay oo ah in Somalia lagu soo dabaalo nabad marka la gaaro sanadka 2016” ayay tiri Aamino Maxamed.
Sdioo kale Wasiiradu waxay sheegtay in dalkeedu uu taageerayay dadka Soomaaliyeed 20-kii sano ee lasoo dhaafay, mar walbana uu hadafkoodu ahaa in Somalia ay noqoto dal xasiloon.
“Ciidamadeena ka tirsan AMISOM waxay Somalia isaga baxayaan 2016-ka, waayo waxaan dowlada u qabanay inay laba sano ku kasbato kalsoonida shacabkeeda, laguna wareejiyo DF goobaha ay kaga sugna yihin Somalia” ayay Wasiirad tiri.
Dhanka kale Wasiiradu waxay sheegtay in Ciidamada AMISOM ay haystaan dhaqaale la’aan iyo ciidan la’aan, taasoo sababtay in hoos u dhac uu ku yimid dagaaladii lagula jiray Al-shabaab.
Ugu dambeyn waxay dalalka caalamka ugu baaqday in la taageero howgalka AMISOM, iyadoo sheegtay in madmadow soo dhexgalay DF iyo Kenya lagu xaliyay shirkii shalay ka dhacay Magaalada Kampala ee xarunta Uganda.
Kampala SDN.
Qurbejoog.com