Dad Danyar ah oo Barakacayaal ah oo Guryo looga dhisayo Degmada Dila ee Gobolka Awdal
Dila 05.Aug (SDN) Wasiirada wasaaradaha dib u Dejinta md. Axmed Cabdi Kaahin iyo Shaqada iyo Arimaha BulshadaMd. Maxamud Axmed Barre Garaad ayaa kulan loogu gogol xaadhayo sidii guryo loogu dhisi lahaa Dadka bara kacayaasha ah ee ku sugan degaanka Degmada Dila waxay Maanta la yeesheen bulshada ku dhaqan degaankaas .
Kulankan oo uu Wasiirada ku Wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir ayaa kala hadlay dadweynaha ku dhaqan degmada Dila Qorshe Guryo loogu dhisayo dadka barakacayaasha ah ee Jiida deegaankaasi iyo sidii loogu heli lahaa waxyaabaha lagama maarmaanka u ah hirgalinta Mashruucaas.
Maayarka Degmada Dila ayaa Mas’uuliyiintan u balanqaaday dhulkii laga dhisi lahaa Dhismayaasha loo samaynayo barakacayaasha.
Dhinaca kale dadweynaha ku dhaqan degmada dila ayaa Madaxdaas u jeediyay wax ka qabashada baahi dhinaca biyo yaraanta ah oo ka Taagan Degmadaasi.
Dila SDN.
Qurbejoog.com