Xubno Wasiiro oo Soo Kormeeray Goobta Qashin Qubka Caasimada Hargaysa
Hargaysa 05.Aug (SDN) Wasiirada Wasaaradaha Cafimaadka,Deegaanka iyo Wasiir ku Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ayaa maanta ka qayb galay olole lagu buufinayay Xarunta lagu shubo hadhaaga qaliinka Xoolaha ee Magaalada Hargaysa.
Ololahan oo ay Fulinaysay Shirkad ka Shaqaysa Maaraynta Qashinka ayaa Goobtaas lagaga dhawaaqay qorshe dib loogu hagaajinayo looguna dayac tirayo goobtaas.
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shugri Xariir Ismaaciil ayaa tilmaantay baahida weyn ee loo qabo in la ilaaliyo goobaha qashin qubka si saxada caafimaadka bulshadu u hagaagto.
Wasiirka Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa sheegtay Sida ay Wasaarad ahaan uga Go’an tahay ilaalinta Goobaha Qashin Qubka ee Caasimada.
Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Mudane Saleeban Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin in la daryeelo caafimaadka bulshada si hadhaaga Qashinku aanu saamayn Caafimaad ugu yeelan bulshada.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha deegaanka ee Caasimada Hargaysa oo balanqaaday in qaybta kaga beegan Goobta Qashin qubka ay Saxadeeda Wanaajin doonaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com