|

Taliska Booliska Dawlada Federaalka oo ka hadlay hawlgalada Muqdisho

Muqdisho 04.Aug (SDN) Taliyaha ciidamada booliska DF Somalia Gen.C/xakiin Daahir Cilmi ‘”Saacid” ayaa ka hadlay hawlgalo mudooyinkii la soo dhaafay ciidanku ku qaaden xaafadaha magaalada Muqdisho.

Dad ,hub iyo waxyaabaha qarxa ayuu sheegay taliyuhu inay ku qabteen hawlgaladii ay qaadeen ciidanku, sidoo kale waxa warbixin dheer soo jeediyay afhayeenka Booliska Maxamed Yuusuf Cumar.

Taliyaha ayaa xusay inay jiraan rag siyaasiyiin ah oo Al-Shabaab la shaqeeya inay ku lamaansanyihiin dowladda Federaalka xili ay soo baxayeen warar sheegaya inaysan dhab ka ahayn dagaalka Al-shabaab madaxda DF.

Amaanka Muqdisho ayaa waayadan danbe soo xumaanayay, waxana xalay booqasho in badan laga shaqeeyay wadooyinka ku maray RW Saacid oo isku deyeyay inuu xaqiiqda ka jirta magaalada u sawiro qaab kale.

Rayidka ayaa ah cida waxyeelada ugu badani ka soo gaarto weerarada ka dhaca Muqdisho oo qaraxyo iyo dilal qorshaysan iskugu jira, waxana aan jirin cid loo hayo falalkaasi marka laga reebo baaritaan ay sheegaan masuuliyiinta DF inay wadaan.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed