|

Lasanod: Haweenay Xalay Mindi Qudha lagaga jaray

toorey-150x150Lasanod:4-aug-2013(SDN)Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa Xalay waxaa uu Nin ku hubaysan Toorri ku dilay allla Ha u Naxariistee Marxuumad lagu magacaabi jirey Faadumo Khaliif Ilka-weyne.,  si Arxan darro ah loogu dilay haweeneey, kaddib markii uu nin toorrey la dhacay kaasi oo ciidanka amaanka deegaankaasi gacanta ku soo dhigeen.

 

Ehelada ninka dilka gaystay ayaa sheegaya in uu ninkaasi ahaa mid maskaxda wax uga dhiman yihiin, islamarkaana uu ka hor inta aanu Gabadha dilin soo Goostay Xadhig uu ku xidhnaan jirey.

 

Taliye ku-xigeenka qeybta booliska ee gobolka Sool, Axmed Cabdi Geelle ayaa sheegay in howlgal boolisku sameeyay uu ku soo qabtay Xasan Iimaan oo la rumaysan yahay inuu badhtamaha magaalada ku dilay marxuumad Faadumo Khaliif Ilka-weyne, xilli ay u socotay gurigeeda.

 

Taliye ku-xigeenka ayaa intaas ku daray in Eedaysanaha oo hadda ku xidhan saldhigga booliska ee Laascaanood ay u gudbinayaan maxkamadda.

 

Qaar ka mid ah ehelada eedaysanaha dilka loo hayo, ayaa sheegay in Xasan Iimaan oo ah ninka loo qabtay dilka haweeneydu uu waalan yahay, kana soo baxsaday goob Qur’aan-saar oo lagu xannaanayn jiray.

Dilalka Noocan ah ayaa Guud ahaanba ku badan geyiga somalidu Degto, waxana inta badan dhacda in Dadka Maskaxda wax ka qabaa ay Geystaan dilal halis ah qudh-gooyo badan keena.

 

Somalidiasporanews.com

Lasanod/somaliland

 

Comments are closed