|

Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka oo iska difaacay Eedo Qaar ka mid ah salaadiintu u jeediyeen

gwtiHargeysa:4-Aug-2013(SDN) Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa gees iskaga duway Eedo ay Guddidii salaadiinta ahayd ee dhexdhexaadinta  wadday warbaahinta u mariyeen Habeenkii xalay.

Shirkan jaraa’id ee ay Golahani maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa oo ay  ka soo qayb galeen hormoodka Golahani, ayaa waxa ugu horrayn ka hadlay Muj. Xasan Guure Jaamac oo ah Guddoomiyaha Golahan, waxana uu isagoo  Faah –faahinaya wixii ay isku Ogaayeen Salaadiinta uu yidhi,   “waxa jira koox salaadiin ah oo yara degdegsan oo aad mooddo in cidi riixayso oo wax aanu isku ogayn wax aan ahayn ku hadlay, waxana aanu shalay  isku ogayn  oo aanu ballan ku kala qaadanay madal salaadiintu u dhan yihiin, imikana halkii uun baanu taaganahay oo aanu leenahay salaadiintii oo isku dhan ayaanu u geynaynaa   ciddii naga tegaysay, anagoo soo dhaweynayna wada-hadalka, marka ciiddu baxdo.”

Sidoo kale waxa isaguna halkaa ka hadlay xildh. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka Somaliland,  waxana uu sheegay  inaanay jirin wax cadaawad ah oo u dhexeysa Golaha iyo Madaxweynaha oo ay  isku hayaan oo kaliya fikir, waxana u yidhi, “ In si anshax leh wax la isugu sheego oo hadalada aan Haboonayn eek a baxay suuqa la yareeyo ayaan mabda’a ahaan isla qaadanay, Madaxweynaha waxa dooratay umadda, wax cadaawad ahina nooma dhaxeeyaan oo waa madaxweynahayagii, waxa kaliya ee aanu isku haynaana waa sidanay ku haboon tahay iyo sidanay ku haboon tahay. Salaadiintii sharafta lahayd ee arrinta gashayna waxanu  hawshii aad bilawdeen way idiin taallaa.”

Masuuliyiintan Ka tirsan Golahan, ayaa  si kulul  iskaga difaacay eedaha ay dusha ka saareen oo ahayd inay Goluhu kaga baxeen taladii iyo arrimihii ay isku ogaayeen, iyagoo carrabka ku adkeeyey inay si weyn diyaar ugu yihiin wada-hadal iyo   wax kasta oo labada dhinac la isugu dab qaadayo.

Hadalkan ka soo baxay Golaha wada-tashiga iyo Toosinta, ayaa ka dambeeyey hadal ka soo yeedhay Salaadiintii dhexdhexaadinta wadday oo eedo la xidhiidh ballan fur iyo Cago-jiid badan  oo kaga yimi dhinaca Golaha.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

Hargeysa/Somaliland.

 

 

Comments are closed