|

NUSOJ Oo Si Weyn U soo Dhaweysay Xukun Maanta lagu fuliyey Nin ku Eedaysan Dilka Wariye Caan Ahaa

nusojMuqdisho:4-aug-2013 (SDN)Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed  ee Nusoj, ayaa soo dhaweeyay xukun dil ah oo Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sidaa ku xakuntay ninkii ka dambeeyay dilkii Allaha u naxariistee sanadkii tegay loo geystay weriye Xasan Yuusuf Absuge.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, ayaa lagu sheegay in uu ururku  soo dhaweynayo xukunka maanta Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sidaa ay ku riday Aadan Sheek Cabdi Sheek Xuseen, oo 21-kii September ee sanadkii tegay dil magaalada Muqdisho ugu geystay Allaha u naxariistee Xasan Yuusuf Absuge, oo ka howlgeli jiray Radio Maanta oo ka mid ah Idaacadaha maxaliga ah ee ka howlgalla Gobolka banaadir.

 

Maxamed Ibraahim Bakistan oo ah xoghayaha NUSOJ oo saxaafadda kula hadlay banaanka kore ee Maxkamadda maanta,  ayaa shaaciyay in talaabadaasi xukunka dilka ah lagu riday qofkii ka dambeeyey dilkii Weriye Xasan Yuusuf Absuge, uu yahay mid lagu farxo oo Caddaalad u muuqata.

 

“Waxaan soo dhaweynaynaa go’aanka maxkamadda sare ee ciiidamada qalabka sida ay ku riday gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilka Xasan Absuge, Tani waxa ay bilow u tahay in dadka kale ee hore falka dilka ah ugu geystay Wariyayaasha xukuno nuucaani oo kale ah lagu rido” ayuu yidhi Maxamed Ibraahim Bakistan.

 

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in 18-saxafi lagu dilay dalka, kuwaasi oo 14 ka mid ah lagu dilay magaalada Muqdisho sanadkii 2012-ka, halka sanadkan aynu ku jirno magaalada Muqdisho lagu dilay 5-saxafi oo laba ka mid ah ay ku dhinteen weeraro qaraxyo oo caasimadda ka dhacay, kuwaasi oo aanay jirin cid loo soo qabtay falalkaasi dilka ah.

 

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, ayaa ka codsaday dowladda Federaalka Soomaaliya ay baadhitaan ku sameyso dadka ka dambeeyay dilalka lala beegsanayo wariyayasha ka howlgala dalka, islamarkaana la soo qabto dadka falalka nuucaasi oo kale caadaystay lana horkeeno sharciga.

Dilkan maanta lagu riday ninkan loo haysto inuu ka dambeeyey dilka ninka wariyaha ah, ayaa haddii uu sidaas ku hirgalo meesha ka saari kala dilalka joogtada ah ee maalin kasta loo geysto suxufiyiinta ka hawl gala somaliya, waxana ay tallaabadani u muuqataa mid lagaga hortagayo arrintaas.

 

Somalidiasporanews.com

Mugdisho/Somalia

 

Comments are closed