Waddan Hal qof oo Muslim ahi ku Nool yahay iyo Qofkaas oo Saacado Badan Sooma Bishan Ramadaan
Nuuk:4-aug-2013(SDN)Mid ka mida Shabakadaha Wararka Caalamka ayaa soo heshay Nin Muslim ah oo Sooman oo jooga Jaziiradda Greenland, halkaas oo aanay cidina hore ugu maleyn jirin in laga helayo Qof Muslim ah, maadaama Jaziiraddu ay u egtahay mid aanay Dad ku nooleeyn.
Ninkan oo Magaciisa la yidhaahdo Wasaam Al-Zaqir, ayaa ah mid Asal ahaan Lubnaan kasoo jeeda oo ku nool Jaziiradan uu Barafku Hareeraha ka fadhiyo sanadka oo dhan.
Waa Muslimka kaliya ee halkaas jooga, wuxuuna Soomaa Bishan Ramadaanka 21 Saacadood sida Shabakadda Warbixinta qortay ay xustay.
Greenland waxaa lagu sheegaa Jaziiradda ugu wayn Dunida, waxayna dhacdaa inta u dhexeeysa Bad-weynta Atlantic iyo Badda Waqooyi ee la yidhaa Arctic Ocean, waxaana Dhulkaas uu Siyaasad ahaan raacsanyahay Denmark, inkastoo uu Xukun hoosaad gaar ah leeyahay.
Dadka Jaziiradaas jooga waxay Ninkan Wasaam Al-Zaqir la yidhaa oo Sanado badan la noolaa ku Magacaabaan Colombos-kii Carabta, iyagoo u haysta inuu yahay Ninkii Carab ama Muslim ugu horeeyay ee awood u hela inuu halkaas ku noolaada.
Wuxuuna Ninkaasi maamulaa iminka Mashruuc guleeystay oo Caasimadda Nuuk laga wado, kaas oo Maalintii ku dhawaad 22 Qof oo Macaamiil ahi ay ku xidhanyihiin
Somalidiasporanews.com