Laba ka mid Ah Gaadiikii Yaryaraa EE 999-ka oo si xun isugu dhacay iyo Dirawaliintii Wadday oo xabsiga loo Taxaabay
Hargeysa:4-aug-2013-(SDN) Lab aka mid ah Baabuurtii Booliiska ee 999(oto oto) ee dhawaan Wasiir Cali Warancade u Iibiyay Booliiska, ayaa shalayiigalabta afurkii ku dul burburay biriishka labaad ee Caasimadda Hargeysa, kadib markii iyaga oo is eryanaya ay isku dhaceen.
Qof Goob jooge ahaa ayaa warbaahinta u in sheegay labada baabuur uu khasaare balaadhani soo gaadhay kadib markii ay labada Dirawal isku dhufteen iyaga oo aad mood inay ku tartamayeen, waxaana goobta soo gaadhay sarkaal ka tirsan Heeganka Booliiska, waxaanu isla markiiba xabsiga u taxaabay labadii Dirawal iyo Ciidankii saarnaaba.
Askarta la saaray gaadiidkan 999-ka ayay dadweynuhu cabashooyin badan ka muujiyeen qaabka ay durtaba u dhaqmayaan iyagoo aan shaqo haynin sida carruurta gawaadhida raaxada ku dhex wadata Hargeysa Music iyo Nalka Deg dega ah is raacaya, taasoo magaaladda ku abuurta Cabsi iyo Argagax, islamarkaana ciidankan ka bixisay sawir qayrumasuulnimo ah.
Shakhsiga Goob-joogaha ah ee warbaahinta u warramay, ayaa sheegaya in Sarkaalka Booliiska ah ee goobta soo gaadhay ku Eedaynayay in aanay fasax ay ku soo baxaan soo qaadan, talaabadan ay sameeyeena tahay mid qayral masuulnimo ah.
Burburkan soo gaadhay labadan Gaadhi, ayaa Tirada Gawaadhida Noocan ah ee Burburtay ka dhigaya midkii saddexaad ee ka burbura Tobankii Gaadhi ee Ciidankan loo qaybiyey muddada kooban.
Meelo ka mid ah xaafadaha Hargeysa oo u baahnaa in ay ka hawlgalaan Baabuurtan iyo Booliiska saaran ayay cabasho xoogani ka taagan tahay, waxaanay qaar ka mid ah Dadweynaha xaafadahaasi sheegayaan Duhurka cad in lagu baadho Dadka, ilaa hadana ma jiro Nambar Telefoon oo lagala hadlo Booliiskan, waxaanay u muuqataa qaabka loo sameeyay mid laab la kac ah oo aan laga diyaar garoobin.
Wasiir warancadde oo isagu hindisay Baabuurtan yaryar ee xaalada Degdegga ah ka jawaabaya, ayaa laga sugayaa inuu keeno siyaasad cad oo Gaadiidkan lagu xakamaynayo, waxana la filayaa in dhawaan la arko qaab iyo nidaam hor leh oo lagu maamulayo Gaadiidkan yaryar oo haatan hortaa bannaan iskaga dhex mara magaalada.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed (timo)
Hargeysa/somaliland