|

War Deg Deg ah: Isku daygii Dhex dhexaadinta oo Fashilmay iyo Salaadiintii Ergada ahayd oo Shaaciyay inay ku Hungoobeen Golaha Wada Tashiga {DHAGAYSO}

Hargaysa 04.Aug (SDN) Salaadiintii Dhex dhexaadinta Ka Waday Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo la filayay inay Caawa Kulan Foolka Fool ah Yeeshaan ayaa Daboolka ka qaaday inay Ku Hungoobeen Sidii ay Xubnaha Golaha Wada Tashigu u qaabili lahaayeen inay ka Kulmaan Madaxweyne Axmed Siilaanyo .

Xubnaha Salaadiinta ee dhex dhexaadinta Waday Waxay u Mahad Celiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ay Sheegeen inuu ka aqblay Ergadooda .

Suldaan Aadan Faarax,Suldaan C.raxmaan C.laahi Aw Good iyo Suldaan Xiise Bare Iyadoo ay Madasha Shirka Jaraa’id fadhiyeen 18 Suldaan oo Hawshan dhex dhexaadinta Waday .

Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa la filayaa inay dhinacooda Maalinta Beri ah Jawaab ka bixiyaan Waxyaabaha ay isku mari waayeen Gudida Salaadiinta ah
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Dhexdhexaadinta04.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed