Puntland oo Qaadacday Heshiis Dhexmaray Dowlada Federaalka iyo Shirkad Laga Leeyahay dalka Holland
Garowe 04.Aug (SDN) Wasaarada Dekedaha ,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcad Badeeda Puntland ayaa Qaadacday Heshiis Horey u  Dhexmaray Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Shirkad Laga Leeyahay dalka Holland.
Wasiirka Dekedaha ,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage ayaa Warsaxaafadeed uu Xafiiskiisa Kasoo Saarey Waxa uu ku Sheegay in Dowlada Puntland aysan Aqoonsanayn Heshiiskii 30-07-2013 Muqdisho ku dhexmaray Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Shirkad Laga Leeyahay Dalka Holland.
Warsaxaafaeedka Kasoo Baxay Xafiiska Wasiirka Dekedaha Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage ayaa Waxa Lagu Sheegay In Dowlada Puntland Ay u Madaxbanaantahay Ilaalinta Xeebaheeda ,Isla Markaasina ay Aanay Masuul ka Ahayn Dowlada Soomaaliya Ilaalinta Xeebaha Puntland.
Wasiir Raage ayaa sidoo kale ku tilmaamay heshiiska uu saxiixay Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowlada Federaalka Cabdiraxmaan Fiqi mid ka horimaanaya heshiisyadii horey u dhexmaray xukuumada Federaala iyo maamul gobaleedyada ee ku aadanaa illaalinta madax banaanida, dhulka iyo biyaha dalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeedkan ayaa lagu soo gebagabeeyey in Puntland ay sii wadi doonto inay illaalsato biyaheeda, isla markaana ka hortagi doonto wax walba oo u aragto inay ka horimaaneyso madax banaanida, amniga iyo khayraadka dalka.
Warsaxaafadeedkan isagoo Dhamaystiran Halkan Ka Daalaco.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com