|

General Cade Muuse oo iska difaacay eedayntii Madaxweyne Faroole {DHAGAYSO}

Qardho 03.Aug (SDN) General Muuse Xirsi ayaa Si Kulul uga Jawaabay Dhaleecayn uu u soo Jeediyay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt Land C.raxmaan Maxamed Faroole oo uu ku Eedeeyay inuu Burburka Maamulka Punt land uu Mas’uul ka Yahay.

General Cade Muuse Xirsi oo ahaa Madaxweynihii uu Talada kala Wareegay Faroole ayaa Sheegay inuu Dhismaha Maamul Goboleedkan uga Yimid Wadanka Canada waxaanu Xusay in Mudane Faroole uu ka Mid Yahay Shakhsiyaadka Burburka u horseedaya Punt land isagoo hoosta ka Xariiqay in hadii aan deg deg loogu Gurman uu Maamulkaasi ku danbayn doono Mid Gobol Gobol iyo Degmo Degmo u kala Go’a.

Hadalkan ayuu General Cade Muuse ka Sheegay Mar uu Maanta u Waramayay Idaacada VOA Laanteeda Afka Somaliga .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CADEMUUSEX.mp3″]
Qardho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed