Xildhibaan ku Baaqay in Wada hadal lagu dhameeyo Khilaafka ka Dhex Oogan Golaha Deegaanka Burco
Burco 03.Aug (SDN) Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha deegaanka ee degmadda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa Golahaasi ugu baaqay inay khilaafkooda wada hadal ku dhamaystaan isla markaana ay joojiyaan hindisaha maamuus ka xayuubinta ah ee ay doonayaan inay xilalka kaga qaadaan Maayarka Burco iyo Ku xigeenkiisa.
Xildhibaan Mubaarik Yuusuf waxa kale oo uu soo dhaweeyay digreetadii uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland khamiistii todobaadkii la soo dhaafay uu ku shaaciyay qorshe lagu bilayo bilic-samida magaalooyinka dalka, waxaanu Xildhibaanku sidaasi ku bayaamiyay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray isagoo ku sugan dalka Ingiriiska oo uu ku joogo fasax.
Xildhibaan Mubaarik Bidhi waxa uu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay “Annigo oo ah Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi), kana tirsan Gollaha Deegaanka Degmada Burco, isla markaana ka mid ah Sadex xildhibaan oo Maayarka Burco, Maxamed Murad u xil saaray kor u qaadidda bilicda Magaalada Burco. Waxaan soo dhaweynayaa digreetada Wasiirka Arrimaha Gudaha, waanan ku hambalyeynayaa wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, digreetada uu khamiistii soo saaray ee waxqabadka xanbarsan . Waxaa xusid mudan in wasiirku soo qaatay hal-hayskan qiimaha badan oo ah “wax qof qaban karo ayaa qaran ka dhintaa.”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay waxa uu war-saxaafadeedkiisa ku yidhi “Waxaan kula talin lahaa saaxiibadayda aanu gollaha deegaanka degmada Burco ka wada tirsan-nahay, annigoo hadda ku sugan wadanka Ingiriska oo fasax ku jooga. In khilafadkooda ay hoos u dhamaystaan oo aanay dibadda u soo bixin, waanan ku rajo weynahay inay si hoose u dhamaysan doonaan, balse ay joojiyaan xil ka xayuubin ay ku sameeyaan Maayarka iyo Ku xigeenkiisa .”
Burco SDN.
Qurbejoog.com