“Dalkeena waxa ka jirta shaqo la’aan oo waad ogtiin dhalinyaradu shaqo ma haystaan” Wasiirka Maaliyada {DHAGAYSO}
Hargaysa 03.Aug (SDN) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdi-casiis Maxamed Samaale, ayaa Maanta Kulan La Yeeshay Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaradaha Dalka Somaliland.
Kulankan oo u jeeddadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa Dakhl-kooda ayaa ka qabsoomay Xarunta Guriga shaqaalaha Somaliland.
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ugu horrayn kulankan ka hadlay, ayaa Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka kula dardaarmay inay ku dedaalan inay kor u qaadaan dakhligooda, waxaana hadaladisii ka mid ahaa “dalkeena waxa ka jirta shaqo la’aan oo waad ogtiin dhalinyaradu shaqo mahaystaan,hawlaha ugu culus ee ina haystaana waxa ka mid ah shaqo la,aanta, miisaaniyada sanadka cusub ee 2013 waxa ku jira 1444(kunyo afar boqol iyo afar iyo afartan) shaqaale cusub ah, taas oo aan hore golaha wakiilada uga sheegay wayna qoran yihiin ee wax qarsoon maaha.”.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirkaMaaliyada03.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com