|

TaliyahaCiidanka Xeebaha Somaliland oo Markiii Ugu Horraysay Ka Hadlay Doonni Xoolo Sidday oo Muddo lagu la’yahay Xeebta Badda Cas

ADMIRALHargeysa:3-aug-2013-(SDN)Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha ee Somaliland Admiral  Sarreeye Guuto Axmed Aw-cismaan Cabdi, ayaa sheegay inaan ilaa hadda  meel ay Jaan iyo Cidhib dhigtay la haynin  Dooni u Rarnayd Ganacsato reer Somaliland ah oo dhawaan xoolo ka qaadday Dekedda Berbera.

Taliyaha Oo Maanta u Warramayey qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, ayaa tilmaamay in lagu waday inay Doontu muddo 24 saacdood ah ay ku gaadho Waddanka Yemen, hase ahaatee aan ilaa hadda la Ogayn meel ay ku dambaysay.

 

Taliyaha Ilaalada Ciidank Xeebaha Somaliland, ayaa sheegay inuu walaac weyn ka qabo  mushkilada qabsatay Doonidan oo uu sheegay inay  sidday dad ka shaqaynayey.

Doontan oo siday Xoolo Nool oo Lo’ iyo Adhi iskugu jira iyo 11 Qof ayaa ka shiraaqatay Dekeda Berbera iyadoo aan wax war ah oo dambena laga helin sida uu sheegay Taliyaha ciidamada Xeebaha oo markii u horaysay ka hadlay doontaasi la waayay.

Hadalkan Taliyaha ayaa muujinaya inaanay Ciidanka Xeebaha Somaliland lahayn wax awood ah oo ay wax kaga qabtaan  mushkiladaha Badda ka dhaca amaba ay kula xidhiidhaan  xukuumadaha Jaarka ee Baddu inaga dhexayso si loo badbaadiyo khasaaraha ku imanaya agab-badeedyada ka baxaya ama soo gelaya Baddeena.

Doontan ayaa dhawaan ka tagtay Dekeda Berbera iyadoo Maalimihii u dambeeyay ay warbaahintu wax ka qoraysay la’aanshaha Doonidaasi u Rarayd Ganacsatada Somaliland.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed (timo)

Hargeysa/Somaliland.

 

 

Comments are closed