|

Wasiir samaale oo kulan lagu dardar gelinayo Dakhliga wasaaradaha la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Somaliland

QAQAHargeysa:3=aug-2013(SDN)Wasiirka wasaaradda Maaliyadda  Somaliland Cabdi-casiis Maxamed Samaale, ayaa  Maanta Kulan La Yeeshay Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaradaha Dalka Somaliland.

Kulankan oo u jeeddadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa Dakhl-kooda ayaa ka qabsoomay Xarunta Guriga shaqaalaha Somaliland.

 

wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ugu horrayn kulankan ka hadlay,  ayaa Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka kula dardaarmay inay ku dedaalan inay kor u qaadaan dakhligooda, waxaana hadaladisii ka mid ahaa “dalkeena waxa ka  jirta shaqo la’aan oo waad ogtiin dhalinyaradu shaqo mahaystaan,hawlaha ugu  culus ee ina haystaana waxa ka mid ah shaqo la,aanta,  miisaaniyada sanadka cusub ee 2013 waxa ku jira 1444(kunyo afar boqol iyo afar iyo afartan) shaqaale cusub ah, taas oo aan hore golaha wakiilada uga sheegay wayna qoran yihiin ee wax qarsoon maaha.”

 

wasiirka maaliyada oo hadalkiisa sii wata ayaa  sheegay inay jiraan qaar ka mid ah shaaqaalaha cusub oo mushahaarooyinkoodii qaatay, waxana uu yidhi, “shaqaalaha aan sheegay 500(shan boqol) oo ka mid ah waxa laga shaqaalaysiiyey wasaarada waxbarashada iy tacliinta sare,kuwaas oo aanu mushaharkoodii u bilawnay bishii koowaad taas oo lagu daray miisaaniyada sanadka, in ku dhaw 400(afar boqol) waxa loo shaqaalaysiiyey wasaarada caafimaadka Somaliland kuwaas oo ah ardaydii ka soo baxday jaamacadaha ee dhinaca caafimaadka.”

Wasiirka waxa kale oo uu  dardaaran waxtar leh oo la xidhiidha cashuur dhaafka loo sameeyo wasaaradaha, waxana uu yidhi,  “dalku waxa uu ku dhisanyahay cashuura dadkuna inkasta oo cashuurta bixiyaan hadana wixii suurto gal ah qofku waxa uu jecel yahay wixii cashuur dhaaf uu heli karo in loo sameeyo culayska ugu badan halkaas buu nagaga dhacaa,markay wasaarada maaliyadu adkayso cashuurtii wasaaradah soo mara ee cashuur dhaafka loo  sameeyo wixii haa,yaddo caalami ah ee wadanka u shaqaynaya cashuur dhaaf ayaa loo ogol yahay,lakiin wixi Gaar  loo leeyahay looma ogola cashuur dhaaf , inta badan waxa soo saxeexa agaasimayaasha  ee waa inaad ka fiirsataan arintaas.”

Kulankan ayaa ku soo gebageboobay  jawi is-afgarad, waxana ay Agaasimayaashii Goobta isugu yimi ballan qaadeen inay ka dhabayn doonaan wixii wasiirku u soo jeediyey.

 

 

Somalidiasporanews.com.

Axmed Cumar Axmed (timo)

Hargeysa/somalilland.

Comments are closed