|

Maayarka Magaalada Burco iyo Ku Xigeenkiisa oo Maamuus ka Xayuubin lagu soo Oogay

Burco 03.Aug (SDN) Koox Mudaneyaal ah oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Burco ayaa soo jeediyay Mooshin lagu doonayo in xilka lagaga xayuubiyo Maayarka magaaladaasi Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Muraad iyo Maayar ku xigeenkiisa mudane Muxumed Xasan.

Maayarka Magaalada Burco Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Muraad iyo Maayar ku xigeenkiisa mudane Muxumed Xasan, ayaa lagu soo eedeeyay qoddobo ay ka mid yihiin Maamul xumo iyo musuqmaasuq ay ku kaceen labadan masuul, isla markaana ay si badheedh ah u diideen in ay wax la tashi ah la sameeyaan xildhibaannadda Golaha deegaanka.

Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka magaalada Burco oo wargeyska Dawan uga waramay mooshinkan ka dhanka ah Maayarka iyo maayar ku xigeenka magaalada Burco ayaa noo xaqiijiyay in uu jiro mooshinkaasi maamuus ka xayuubinta ah, kaasi oo uu sheegay in ay soo dhigeen todoba xildhibaan, isla markaana ay ku wargeliyeen Badhasaabka gobolka Togdheer Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) iyo weliba Maayarka magaalada Burco Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Muraad.

“Mooshinka Maamuus ka xayuubinta ah todoba xildhibaan ayaa wada, markaa shalay ayaa Badhasaabka iyo maayarka magaalada Burco la gaadhsiiyay oo lagu wargeliyay, kollayna xilli ayay sharciyaddu dhigaysaa in aan laga dambaysiin karin, markaa arrintaasi way jirtaa,” ayuu yidhi Xildhibaan ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Xildhibaanku waxa kale oo uu intaasi ku daray oo uu yidh “Maayarka iyo maayar ku xigeenka waxaa lagu eedaynayaa saddex qodob oo ay ka mid yihiin, Maamul xumo, Musuqmaasuq baahsan iyo In uu baal maray xeerkii is maamulka gobolada iyo degmooyinka dalka Xeer No. 23 iyo weliba la tashi la’aan, uu si badheedh ah uga gows qaniinay in uu la tashado xildhibaanada golaha deegaanka Magaaladda Burco. Waxaan filayaa in fadhigayaga maalinta Axada ah lagu sameeyo maamuus ka xayuubinta labadan masuul.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas raaciyay “Mooshinkanina waa mid sharci ah oo aanu xaq u leenahay haddaanu nahay xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Burco, sababta oo ah mooshinka noocan oo kale ah, sida sharciga golaha deegaanku dhigayo waxaa soo jeedin kara todoba xildhibaan oo ka tirsan golaha, waxaana xilka ka qaadi kara Maayarka iyo maayar ku xigeenka afar iyo toban xildhibaan oo ka mid ah golaha deegaanka.”

Golaha deegaanka Magaalada Burco ayaa maalimihii ugu dambeeyay fadhiyadoodii caadiga ahaa ee ay yeesheen ay hadheeyeen buuq iyo khilaaf, kadib markii ay todobadan xildhibaan ee golaha deegaanku ay Khamiistii ina dhaaftay badka soo dhigeen qodobo dhawr ah oo muujinaya eedda ay xku salaynayaan maamuus ka xayuubintan ay xildhibaanadu u ballameen fadhigooda maalinta Axada.

Golahani waxa uu noqonayaa kii u horeeyay ee soo eedeeya maayarkii iyo maayar ku xigeenkii ay doorteen doorashadii deegaanka ee dalka ka dhacday daboyaaqadii kal-hore.

Burco SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed