|

Dawladda Maraykanka oo albaabada u xidhaysa 21 Safaaradood oo ay dalalka Islaamka ku leedahay, soona saartay digniin caalami ah

Washington August 2, 2013 (SDN/CNN)- Dawladda Maraykanka ayaa soosaartay digniin la xidhiidha daahfurka khataro ka iman kara weeraro Argagixiso oo ay Al-Qaacida iyo ururada ku xidhani fuliyaan Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika iyo meelo ka baxsan, iyadoo digniintani tahay mid caalami ah oo lala socodsiinayo socdaalayaasha adduunka.

Digniintan oo ay wasaaradda Khaarajiga USA goor dambe oo Jimcaha maanta ah soosaartay, waxay ku sheegtay suurtogalnimada weeraro laga fuliyo Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika iyo meelo kale inta lagu gudojiro todobaadyada soo socda.

Liis ay maanta si caam ah u sii daysay wasaaradda Khaarajigu waxa lagu muujiyay 21 Safaaradood iyo Qunsuliyadood oo Maraykanku leeyahay, kuwaasoo la xidhayo maalinta Axadda ee todobaadkan soo socda ee 4-ta bishan August, xilligaas oo ay caadiyan bilaabamayaan shaqooyinka todobaadlaha ah ee dalalka ay digniintani saamaysay.

A suicide bomb goes off at the U.S. Embassy in Ankara, Turkey, on FebruarySafaaradda la xidhayo waxa ka mida kuwa uu Maraykanku ku leeyahay badi dalalka carbeed, sida Ciraaq, Masar, Liibiya, Sucuudi Carabiya, Afgaanistaan, Yemen iyo 11 dal oo kale. Sidoo kale, waxa albaabada loo laabayaa Qunsuliyaddaha Maraykanku ku leeyahay Ciraaq, Sucuudiga iyo Isugtaga Imaaraadka Carabta.

“Xogaha xilligan aanu haynaa inshaarayaan in Al-Qaacida iyo ururada ku xidhani ay sii wadaan inay qorsheeyaan weeraro Argagixiso oo ka dhaca gobolka ama meelo ka baxsan, taasoo laga yaabo inay ku dedaalaan fulinta weerarada inta lagu gudo jiro hadda [ilaa] iyo dhamaadka August,” ayay waaxda Khaarajiga Maraykanku ku sheegtay digniinta ay soosaartay.

Digniintu waxay sheegtay in Argagixisadu laga yaabo inay habab kala duwan oo macnayaal kala duwan ah hub ugu isticmaalaan si ay u bartilmaameedsadaan danaha caamka ah iyo kuwa gaarka ah intaba, waxayna warbixintu si gaara u tilmaantay inay dhici karto inay weeraraan gaadiidka dadweynaha.

Sida uu u waramay Telefishanka CNN, inkastoo ay digniintu khusayso, loona diray qof kasta oo ka mida muwaadiniinta Maraykanka ee dibaddaha jooga, haddana waxay si mucayin ah u tilmaantay in gobolka ugu wayn ee walaacu yahay Bariga Dhexe iyo Waqooyiga qaaradda Afrika.

Qurbejoog.co, Washington

Comments are closed