|

Magdhow La Siinayo Dad Kenya Dalkeeda Ka Masaafurisay Arrimo Argagixisnimo Awgeed

Nairobi 02.Aug (SDN) Maxkamad ku taalla Kenya ayaa markii ugu horreysay lacag magdhow ah u xukuntay dad loo xiray argegixisanimo oo loo musaafuriyay Soomaaliya. Waxay amartay in lacag dhan 460,000 oo doolar ay dowladdu siiso 11 qof oo horey loogu tuhunsanaa in ay ku lug lahaayeen falal argegixisnimo.

Dadkani ayaa sheegay in inta ay ku sugnaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya su’aalo la weydiiyay, isla markaana tacaddiyo loo gaystay.Maxkamadda ayaa sheegtay in musaafurinta raggani ay ahayd mid sharci darro ah oo khilaafsan destuurka dalka Kenya.Dadkan ayaa ka soo kala jeedo Kenya, Uganda iyo Tanzania.

Waxaa lagu xiray Kenya sanadkii 2007-da xilligaas oo uu Soomaaliya ka socday dagaalkii u dhexeeyay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga iyo Itoobiya.In kasta oo ay tahay markii ugu horreysay oo maxkamad ku taalla Kenya ay magdhow u xukunto dad lagu eedeeyay argegixisonimo, haddana kooxaha u doodo xuquuqda Muslimiinka Kenya ayaa sheegay in aanay ku faraxsanayn go’aankan.

Qareenka u doodayay dadkan Mbugua Mureithi ayaa BBC-da u sheegay in lacagta magdhowga ee loo xukumay ay yartahay.Dowladda Kenya ayaa dad badan xirtay sanadkii 2007-da, dadkaas oo qaar ka mid ah markii dambe loo qaaday xabsiga Guantanamo Bay.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed