|

Dabaal Dega 15 Guurada Aasaaska Punt land iyo Jewigii Madasha DAAWO SAWIRO

Garowe 02.Aug (SDN) Waxaa magaalada Garowe ee Xarunta Punt land lagu qabtay xaflada sanadguruada 15-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Puntland ayna ka soo qaybgaleen madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ,ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,taliyaaasha ciidamada iyo hayadaha amaanka ,wasiirada xukuumadda ,mudanayaasha Barlamanka ,Issimo ,Culimo ,ururada haweenka iyo dhalinyarada ,safaarada Ethiopia ,sarakiisha ciidamada darawiishta ,badda iyo booliska ,,wakiilada hayadaha caalamiga ah Puntland iyo marti sharaf kale oo lagu casumey.

ABTJKooxda Waabari Puntland ee uu hogaaminayo Abwaan Cabdiqaadir Shube ayaa soo bandhigay suugaan iyo murti ka tarjumaysay Puntland iyo asaaskeedi ,sidoo kale fariimo wacyigelineed u diraysay dadweynaha oo ku aadan adkaynta midnimada iyo nabadgelyada.

XKHDSRSHFIssimada Puntland ayaa ka hadlay dhankooda munaasibadan oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Irbad ,Suladaan Siciid Maxamed Garaase .Beeldaaje Ismaaciil iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed.

Wasiirada amniga ,waxbarashada ,caafimaadka ,qorshaynta iyo haweenka ayaa goobta ka soo jeedshay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo intii majaraha Puntland u qabtay Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo xiray khudbadihii xaflada ,waxana uu ka hadlay waxqabadka xukuumadiisa ,nidaamka xisbiyada badan ,dastuurka Somalia iyo xiriirka kala dhaxeeya DF Somalia.

NWWax ka qabashada amaanka Puntland ayuu ka hadlay Farole,wuxuna sheegay markii ay xilka qabteen inay xooga saareen sidii amaanka looga wada shaqayn lahaa isla markasna loo fariisin lahaa tiirar waa wayn oo lagu sugo amniga iyo kala danbaynta shacabka.

Madaxwayne Farole dhibaatooyinkii ka dhacay magalada Qardho ayuu ku eedeeyay inuu ka danbeeyo Gen.Cadde Muuse.isagoona raacshay inay sii socon doonaan geedi socodkii dimoqraadiyada Puntland.

678Deeqaha magaca Somalia lagu soo qaado ee aan soo dhaafin magalada Muqdisho Caasumada Somalia ayuu xusay,wuxuna sheegay inaysan waxba kasoo gaarin mashaaruucda ay dowlada Turkiga ka wado Muqdisho ,deeqaha waxbarasho oo la musuq-maasuqay ,

Waxa uu ku amaanay Drs Maryan Qaasim dadaalka ay u gashay sidii ardayda Puntland u heli lahaayeen mustaqbal jaamacadeed iyo aqoonsiga Puntland ,isagoona raacshay inay qaar ka mid saraakiisha DF ku qabsadeen amaanida waxbarashada Puntland.

DF Somalia ayuu sheegay Madaxwayne Farole inay ku ciyaartay dastuurkii lagu wada heshiiyay,wuxuna sheegay hadii aan lagu dhaqmin kii lagu wada heshiiyay inaysan wax aqoonsi ah u ahayn dowlada uu hogaaminayo Xasan Shiikh,isla markasa dastuurka hada ay haysteen uu ku ekaanaya magalada Muqdisho.

Dhismaha aqalka odayaasha oo dastuurka saxda ah uu ka hadlay ayuu soo hadal qaaday,mudane Farole wuxuna tilmaamay in laga leexday nidaamkaasi oo aan laga wada hadlin,fadhi aan caadi ahayn oo baarlamaanka la iskugu yeeray ayuu sheegay inuu ahaa mid looga hadlayay sidii loo diidi lahaa federaalka.

Puntland ayaa wada shaqaynta kala laabanaysa DF Somalia inta dastuurkii lagu heshiiyay dib loogu soo celinayo ayuu yiri madaxweynuhu.

Shirarkii dowlada Somalia iyo Somaliland dhowr jeer ay wada yeesheen ayuu soo hadal qaaday,wuxuna sheegay inaysan ka xumayn balse loo baahan yahay in la cadeeyo shirarkaasi waxay salka ku hayaan.

Mudane Farole waxa uu si adag u sheegay hadii ay dowlada dhexe ee Somalia ka soo laaban waydo arimaha ay ku socoto oo aan sharci ahaan munaasib ahayn ay dhamaan xiriirka wada shaqaynay u jiri doonan,isla markaasna ay ka tashan doonan wada shaqayn sii socoto oo dhex marta Dowlada Somalia.

Khudbadii madaxwaynaha Dowlada Puntland oo halkaasi ku dhamaatay ayaa waxa uu shihaado sharaf ku gudoon siinyay shaqsiyaad sigaar ah loogu sheegay inay mudan yihiin,dadka la gudoonsiiyayna waxa ka mid ah Engijeerkii dhisay madaxtooyada cusub ee Puntland iyo guddigii calanka Puntland kala saarayay tartamayaasha oo gudoomiye u ahaa AHN Dr.Jimcaale.

Garowe SDN.
Qurbejoog.com

Comments are closed