Maamulka Cisbitaalka Guud ee Hargaysa oo ku Baaqay in Bukaan Jiifka la Soo Kaalmeeyo Bishan Ramadaan
Hargaysa 01.Aug (SDN) Agaasimaha Isbitaalka Guud ee magalada Hargeysa Dr,Axmed Xaji Cumar Askar,ayaa ugu baaqay Ganacsatada Somaliland inay Bisha Ramadaan ay Sekedooda wax ugaga deeqaan Bukaan jiifka ku sugan Isbitaalka Maskaxda iyo Isbitaalka Guud ee caasimada.
Agaasimaha Isbitaalka Guud waxa uu sheegay in Guddiga Caafimaadka ee gobolka Marodi-jeex ay hore ula xidhiidheen dad ka mid ah maal qabeenada iyo Ganacsatada dalka Somaliland,kuwaasi oo ay u jeediyeen in taakulo dhaqaale loo guro qaybta kelyaha ee isbitaalka Guud,taasi oo uu sheegay in dad badan oo ganacsato ahi ay si fiican uga qayb qaateen, haatana dhaqaalahaasi lagu caawiyeyuu kayd uga yaalo qaybta kelyaha ee cisbitaalaka.
Dr, Axmed Xaaji Cumar Askar.waxa uu intaa ku daray inay Baahiyo badani ka jiraan isbitaalka guud ee caasimada hargaysa, waxaana uu ugu baaqay Ganacsatada iyo maal-qabeenka inay Caawimo u gaystaan dadka bukaan jiifka ah, gaar ahaana kuwa isbitaalka maskaxda ee hargays.
Waxa kale oo uu Agaasimuhu sheegay in Qurba jooga a Somaliland ay caawimo iyo taakulo badan oo kala duwan soo gaadhsiiyaanisbitaalka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com