Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo ka Hadashay fariinta Todobaadka Naas Nuujinta Caalamiga ah
Hargaysa 01.Aug (SDN) Wasiirka wasaarada Caafimaadka Jamhuriyada Somaliland Mud, Saleebaan Ciise Axmed (xagla toosiye)ayaa War-saxaafadeed uu Maanta soo saaray si balaadhan ugaga hadlay Xuska todobaadka Naas-nuujinta oo Sanadkasta Caalamka Laga xuso Todobaadka ugu horeeya ee bisha Ogost.
Wasiirka caafimaadku Mud, saleebaan waxa uu war-saxaafadeedkaas ku faah-faahiyey faa’iidada Naas-nuujintu u leedahay Hooyada,Ilmaha iyo Qoyskaba.waxaanuu xusay in Nuujinta ilmaha ee lixda bilood ee ugu horeeya iyo u sii wadidda nuujint a ilaa 12-ka Bilood ee u horeeyaa ay faa’iido weyn u leedahay ilmaha xagga caafimaadka iyo koriinkiisaba., isaga oo ka helaya nafaqo dheeli-tiran.
Wasiirka wasaarada caafimaadka Mud, Saleebaan Ciise Axmed, waxa kale oo uu war-saxaafadeedkaas ku xusay,in dalka ay ka jirto Nafaqo darro baah-san oo dhallaanka haysa, taas oo saamayn kaga yeelatay ilmaha dhinacyada koriinkooda jidheed iyo mas-kaxeed.waxaanuu intaa raaciyey war-saxaafadeedku in 14% caruurta 5-jirka ka yar ay nafaqo darradu hayso, halka 20% caruurta ka yar 5-jirkuna ay la kulmeen koriin xumo oo ay hagaaseen.
Wasiirka Caafimaadku waxa kale oo war-saxaafadeedkaa uu ku sheegay, in wasaaradda caafimaadka ay ka go’an tahay in hooyada nuujisaa ay hesho taageero iyo dhiiri gelin ku filan. Waxaanuu ugu baaqay,shaqaalaha Caafimaadka, Culimaa’udiinka, Waalidiinta hay’adaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah inay sii laban-laabaan dedaalkooda ku wajahan taageerada iyo ku dhiiri gelinta hooyooyinka naas-nuujinta haboon.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com