Tuulada Fiqi Aadan ee Gobolka Salal Oo Duufaanno Khasaare nafeed Geystay ku dhufteen
Fiqi Aadan:1-August-2013(SDN)Waxaa Habeenkii Xalay Roob iyo Dabaylo Xooggan oo is wataa ku dhufteen Deegaanka Fiqi Aadan ee Gobolka Salel, kuwaas oo Khasaare Ba’an gaadhsiiyey.
Hal Ruux oo Dumar ah ayaa ilaa iyo Hadda ku Geeriyooday, halka uu dhaawac soo gaadhay nin ku noolaa Deegaankaas, halka ay xoolo tiro badan la la’yahay meel iyo jaan iyo cidhib dhigeen iyadoo Badiba Dhismayaashiii kala duwanaa ee ka dhisnaa Deegaankaasi ay Burbureen, iyadoo aanay illaa iyo haatan jirin wax gargaar ah oo xukuumaddu gaadhsiisay.
Guddoomiyaha gobolka Salal ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhimashada halka qof iyo dhaawaca halka qof, isaga oo intaa ku daray in haweenayda geeryootay ay hooyo u ahayd wiilka dhaawaca ah, gudoomiyuhu waxaa kale oo intaasi ku daray isaga oo ku sugan Magaalada Hargaysa, in ay hadda wadaan tabaabulshe Gurmad ay u fidinayaan tuuladaas, gurmadkaasina gaadhaayo ilaa Maanta hadii Eebe idmo
Waxaa la filayaa in khasaaraha intaa ka bato, balse dadka dagaanka ayaa isku urursaday goob god ah oo aan ka fogayn degmadaa, lamana xaqiijin karo in dad intaa ka badani ku dhinteen hadda, balse waxaan lahayn dhamaan duunyadii ku noolayd dagaanka, sida adhigii oo ay Duufaantaasi qaadday.
Somalidiasporanews.com
Hargeysa/Somaliland.,