BAAQ KU SAABSAN GANACSIGA LAGA BURBURIYEY DADKA DANYARTA AH IYO WADHATADDA MAGAALADA HARGEYSA Musharaxa madaxweynaha xisbiga ucid Jamaal ali xusein
BAAQ KU SAABSAN GANACSIGA LAGA BURBURIYEY DADKA DANYARTA AH IYO WADHATADDA MAGAALADA HARGEYSA:
(KampalaSDN) Inkastoo ay hawshooda gudanayaan oo aan ixtiraam u hayo dawladda
hoose ee Hargeysa iyo Ciidanka Booliska, haddana indhaha kama
qarsan karno dhaawaca la gaadhsiinayo dadka dan’yarta ah ee ka
ganacsadda suuqyadda magaaladda Hargeysa. Caqliga suubani ma
qaadan karayo marka ay Dawladda Hoose Iyo Ciidamadda Booliska Oo
Cudud Ku Muquuniyaan Wadhatadii Hargeysa iyo khasaaraha Maalin
Keli ah Ay soo Gaadhsiiyaan dadkaasi dan’yarta ah. Way dhici kartaa
in ay qaar dhego-adaygaan laakiin yaan fadlan laga burburin inta yar
ee ay isku keenkeenene waa in si kale loogaga wareego sidii bilicda
magaaladda loo hagaajin lahaa. Fadliga bisha Ramadaan iyo dadkaasi
danyarta ah ee ay naftu u geysay waa in il naxariis leh lagu eego
arrimaha burburinta ganacsigoodana intaan la gudo gelin waa in laga
fikiraa burburintuna aanay noqon falka ugu horeeya ee lagu kaco.
Ganaax lacageed baa la sameyn karaa marka hore iyo digniino faro badan! Ilaahay kheyrka hayna waafajiyo.
Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga ucid Jamaal ali xusien
Wariye khadar bitijoor
uganda kampala
+256791661106
OFFICE UGANDHA