|

Abdaal: Xukuumadda oo xabsiga ku Gurtay Dhallinyaro iyo Haween Taageeray Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka

ddd Berbera:31-july-2013 (SDN)Ciidamada Booliska ee Magaalada Abdaal oo u dhexaysa Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, ayaa xabisga ku ururiyey Dhallinyaro iyo Haween taageero u muujiyey Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.

Wararka ka imanaya Deegaankaas ayaa sheegaya in lix iyo Toban Dhallinyaro ah iyo Shan haween ah oo dhamaatood reer Abdaal ah maalintii shalay xabsiga loo taxaabay,  iyadoo lagu eedaynayo inay taageero u muujiyeen Golaha wadatashiga oo xukuumaddu shaki badan ka muujisay.

Sidoo kale waxa ay wararku intaa ku darayaan inay jiraan dadkale oo ilaa hadda ciidankaBoolisku raadinayaan, kuwaas la sheegay inay muujiyeen dhaqdhaqaaqyo loogu xaqlinayo Golahan.

Qaar ka mid ah shacabka reer Abdaal gaar ahaan kuwa sheegtay in la raadinayo oo warbaahinta madaxa bannaan la soo xidhiidhay, ayaa  sheegay inay magaalada ka jirto olole ay wadaan ciidanka Booliska iyo maamulka magaaladu oo  lagu daba socdo cid kasta oo looga shakiyo inay taageersan tahay Golahan.

Maalmo ka hor ayuun bay ahayd  markii qaar ka mid Dadka Deegaanka Abdaal  qaar ka mid ahi ay  Tv-ga Dawaladda ka sheegeen inay inay si buuxda uga soo horjeedaan Golaha, waxana dadkan haatan la xidhxidhay I diyaargaroobayeen sidii ay ugu jawaabi lahaayeen kuwaa hore ee Hadlay, oo ay ku sheegeen inay ahaayeen dad Hunguri qaatay oo maamulka  Gobolka Saaxil si hoose usoo abaabulay.

Ciidanka Booliska ee Deegaankaas ayaan iyagu ka hadlin sababta keentay in la xidhxidho dadkan, waxana ay afka ka xidheen inay bixiyaan wax tafaasiil ah oo arrintaa la xidhiidha.

Xurgufta siyaasadeed ee dhex taalla Golaha iyo Xukuumadda, ayaa u muuqata mid ku sii fidaysa Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland waxana haatan muuqata inay Golahani Taageero kala duwan ka helayaan Badiba Deegaamada Somaliland.

 

Somalidiasporanews.com

Berbera/somaliland

 

 

Comments are closed