Ciidamada Amaanka ee Punt land oo Hawl gal ku Qaaday Gaadiidka Beersoosha leh “Bacaha Madow ee Muraayadaha lagu Xidho”
Garowe 30.July (SDN) Ciidamada Amaanka Puntland ayaa magaalada Garowe xalay hawlgalo lagu xaqiijinayo amaanka ka waday wadooyinka magaalada.
Bacaha Madow ‘Beersalka’ ayaa si gaar ah lagu arkayay laamiga iyadoo gawaarida laga fiiqayo ,waxana uu sheegay taliyaha Booliska Nugaal G/dhexe Cabdiraxman Abshir inay sharciga marsiin doonan cidii lagu qabto gaadiid bac madow leh.
Amaro ayaa horay uga soo baxay waditaanka gaadiidka bacda Madaw ,balse waxa uu sheegay inuu halwgalkan ka duwanyahay kuwii hore oo ay jirto lacag Malyan ah oo ganaax noqonaysa taasi oo laga qaadayo gaarigii lagu qabto.
Ma uusan shaacin taliyuhu inay halwgalkan ku soo qabteen hub ama dad lala xiriirinayo amni darro ,balse maamulka gobolka Nugaal ayaa saxaafada u balansan maalinka beri ah oo si faahfaahsan uga hadlaya hawlgalkan sida na loo sheegay.
Inkastoo baro baaritaano horey uga jireen wadooyinka Caasimada Garowe haddana xalay waxay ahayd mid ka duwan habeenadii hore oo ciidanku meelo badan ka hawlgalayeen.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com