|

Dawlada Federaalka oo hor istaagtay deeqo waxabrasho oo ay Punt Land ka heshay Sodaan

Garowe 30.July (SDN) Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Federaalka Somalia ayaa la wareegay kuraasta 50 ardey oo Puntland deeqo waxbarasho uga heshay dalka Sudan,Bishan aynu Ku Guda Jirno ee July 05 ee ,2013 ayaa wasiirada horumarinta arrimaha bulshada DF Drs Maryan Qaasim u dirtay warqad dhigeeda dalka Sudan Drs Sucaad Cabdirisaaq kuna wargelisay in shahaadada Puntland la tixgeliyo madaama ay leeyihin Manhaj Midaysan ,Imtixaan isku mar la qaado iyo siyaasad waxbarasho oo degsan.

Wasiirada ayaa qorshaynaysay inay sidii shahaadada Puntland xayiraada DF looga qaadi lahaa dalka Sudan ay arintaasi ugu safarto balse rag ku jira xukuumadda oo ka midyahay Cabdikariin Guuled oo ah wasiirka arrimaha gudaha ayaa isku duba riday wafdi kale oo u hogaaminayo Maxamed Nuur Gacal wasiiru dowlaha arimaha dibadda.

Wafdigan ayaa waxba ka soo qaadin warqadii wasiirka islamarkaasina baal-maray xaqiiqda jirta ee horumarka Puntland dhanka waxbarashada ka gaartay isgaoona ka dib kulamo uu la yeeshay masuuliyiinta Sudan jeebka soo gashatay liiska 150 kursi  waxbarasho oo Sudan sanadkan ugu talo gashay guud ahaan Somalia.

Sudan ayaa sanad weliba Puntland ,Somaliland iyo Muqdisho mid 50 kursi siin jirtay taasi oo sanadkan meesha ka baxday ka dibmarkii Gacal uu sheegay in Muqdisho lagu qaybin doono.

Wasiir Guuleed oo bahda waxbarashada ka tirsanaa ayaa ku doodaya inaan la qaadan karin shahaadada Puntland loona baahanyahay inay tan Somalia hoos yimadaan.

warqad”Gabadha wasiiradu shakhsi bay ka tahay ,way u dadaashay Puntland laakiin waa lagu khiyaamay wafdigii Sudan u baxay ,waxana kow ka ah isdabamarinta socota Safiirka Somalida ee Khartoum iyo qaar ka mida shaqalaaha waxbarashada Muqdisho” Ayuu yiri Cabdulaahi Faarax Mire oo ka mida madaxda dalada waxbarashada Puntland.

Sida  loo xaqiijiyay shahaadada DF ayaaan lahayn Manhaj u gaar ah ,imtixaan loo galo iyo siyaasad u degsan toona ,waxana la sheegaa inay Lixdan Doolar uun kaa xigto helitaankeeda.

Madaxweyne Xasan Shiikh in badan ayuu amaanay horumarka waxbarashada Puntland ay ka gaartay ,isagoona wafdi dhowaan u tageen Muqdisho sidii ay gacan uga siin lahaayeen DF horumarinta waxbarashada iyo weliba shirweyne Pl kow ka hayd talo soojeedintiisa.

Arrintan 50 ardey reer Puntland ah oo laga hor istaagay deeqo waxbarasho ayaa waxa noo xaqiijiyay agaasimaha guud ee wasaarada waxabrashada Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo u sheegay GO inay ku jiraan dadaal dheeraad ah sidii ay wasiir gacal uga soo dhigan lahayeen kuraasta ardayda PL ee uu haysto.

”Dadka ilamaha 10 sanno ka badan iskuul soo dhiganayay ,maanta oo uu jaamacad helayna ka hortaagan ,waa dad diidan inay qiraan horumarka Puntland ,doonayana in dalka ku sii jiro fowdo oo aan cidna wax baran” Ayuu yiri Maxamed Bashiir Faarax oo ka mida aqoonyahanada.

Axmed Caydiid oo horey u ahaa wasiirkii waxbarashada DFKMG ayaa warqad u qoray dhigiisa Sudan uu ku joojinayo aqoonsiga shahaadada Puntland islamarkaasina ku xusay inay tan Muqdisho tahay mida keliya ee ka jirta dalka.

Ka sokow saamiga Puntland ay dalalka caalamka ka soo hesho waxay DF la gashay heshiis qeexaya March,2013 in Dowladda Somalia ay u qaybiso si siman deeqaha iyo kaalmada caalmaka ka soo gaarta.

Waxa dhacday in lagu eedeyo marar badan xukuumadda Xasan Shiikh inay wado Sad bursi iyo u leexinta cid gaar wixii umadd ka dhaxeeyay ,waxana shaki laga muujiyay halka ay maraan deeqaha caalamku oo dhowaan UN sheegtay in %80 lacagat bangiga dhexe laga saaro galaan gacmo gaar ahaaneed oo aan lagu kala socod siin hawsha dowladda.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed