|

Taliyaha Laanta Socdaalka oo ka Warbixiyay Heerka Tahriibka iyo Gudidii Madaxweynuhu u saaray oo ka hadlay

Hargaysa 30.July (SDN) Gudidii heer wasiir ee dhowaan Madaxweynaha JSL u magacaabay ka hortagga tahriibka iyo shaqo abuurka ayaa maanta warbixin ka dhegaystay taliyaha hay’adda socdaalka Md Maxamed cali Yuusuf

Taliyuhu warbixintiisa ku sheegay inay hay’ad ahaan ka hawlgaleen dhaman deegaanada ay xarumaha ku leeyihiin ee Gobolada Somaliland, gaar ahaana ay awoodda saareen magaalooyinka xuduudaha ku yaalla oo wacyigelin laga sameeyey, si ay uga hortagaan tahriibayaasha isaga talaabaya xuduuda labada dhinac iyagoo wada shaqayn ka helaya dalalka deriska ah.

Taliye Yuusuf waxa uu u caddeeyey gudida inay gacanta ku soo dhigeen dad tahriibaya iyo kuwii tahriibinayeyba, cadaalada-na la hor keeni doono dhowaan.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada Md Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo ku hadlayey magaca gudida ka hortagga tahriibta iyo shaqo abuurka ayaa isna munaasabadaasi ka sheegay in shirkii sadexaad ee gudida la qaban doono Tobanka bisha soo socota laguna sii wadayo daraasada lagu hayo waxyaabaha keenaya tahriibta iyo sababaha lagu joojin karo.

Md garaad waxa uu sheegay inay xukuumadda ka go’an tahay dhamaystirka xogta lagama maarmaanka u ah sida wax looga qabanayo tahriibta loona yarayn karo dhibaatada isa soo taraysa ee ay maalinba ta xigta ku hayso bulshada Somaliland iyo guud ahaan dalalka Gobolka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

Comments are closed