|

Weerar Maxaabiis tiro Badan lagu furtay oo ka dhacay dalka Pakistan

 xabsi Islamabad:30-july-2013(SDN) Xukuumadda waddanka Pakistan ayaa sheegtay in maxaabiis fara badan oo ka tirsanaa ururka Taliban ay ka baxsadeen xabsi ku yaala magaalada Dera Ismacil Khan oo ku taalawaqooyi galbeed ee wadanka Pakistan.

In ka badan 250 maxbuus a  yaa xabsiga ka baxsatay sida laga soo xigtay saraakiil ciidan oo dawlada u hadlay, iyadoo ay dadkaa Baxsadayna ka mid ahaayeen saraakiil sarsare oo loo haystay Argagixiso.

Maxaabistan ayaa baxsatay kadib markii dablay hubeysan oo ururka Taliban ka tirsan ay weerar ku qaadeen xabsiga waxaana  dablaydan ay qarxiyeen darbiga xabsiga waxaana xigay rasaas xoog leh oo bilaabantay.

Dad deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda weerarka geysatay ay tiro ahaan gaadhsiisanaayeen 70 ruux oo ku labisnaa dharka ciidamada booliska waxaana ay xabsiga ku garaaceen gantaalaha garbaha laga rido bambaanooyin iyo qoryaha daran dooriga ah.

Taliyaha booliska magaalada uu weerarkaan ka dhacay Sohail khaalid ayaa sheegay in weerarku uu u muuqday muddo la abaabulayay.

Illaa 12 ruux oo ay ku jiraan 6 askari oo ka tirsanaa booliska dalkaasi ayaa ku geeriyootay weerarkaas oo socday muddo 3 illaa 4 saacadood ah.

Inta uu weerarku socday koox kale ayaa darbiyada xabsiga saartay jaran jarooyin halkaasoo ay u ugu dhawaaqayeen magacyada shaqsiyaad bar tilmaameed u ahaa ayagoo ku dhawaaqayay “Allahu Akbar, Taliban ha noolaato iyo ereyo kale sida ay goob joogayaal sheegeen.

Afhayeenka ururka Taliban qeybta dalka Pakistan ka dhisan Shadullahi Shahid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay xabsigaas kasii daayeen 300 oo maxbuus oo uu sheegay inay Xaq darro ku xirnaayeen

Somalidiasporanews.com

Comments are closed