Xasan Daahir Aways oo Villa Somalia Lagu xabisi Doono
Ilo-wareedyo u dhuun daloola xaaladda Guud ee Xasan Daahir Aweys, ayaa waxa ay sheegayaan in Sheekha lagu wado in loo soo wareejiyo xarunta madaxtooyada ee soomaaliya .
Wareejinta wadaadka ayaa la sheegay in looga gol leeyahay qancinta odayaashii ka keenay magaalada cadaado iyo weliba maamulka Ximin iyo Xeeb oo aad uga xumaaday habka loola dhaqmay wadaadka, iyadoo la sheegay in sheekha laf ahaantiisu uu aad uga cawday caaladda guud ee Jeelka uu ku jiro. .
Dowlada soomaaliya ayaa ku fashilantay sidii ay xasan daahir uga dhaadhicin lahayd qorshaha siyaasadeed ee ay ka damacsanayd wadaadka iyo in uu si cad uga tanaasulo dagaalkii uu mudada dheer kula jiray dowlada iyo fikiradihii uu hore uga aaminsanaa, iyadoo aanay muuqanin wax horumar ah oo laga gaadhay baadhitsii cuslayd ee sheekha lagu hayey .
Wareejinta wadaadkan ayaa waxa ay farxad gelin doontaa odayaashii ka keenay magaalada cadaado iyo weliba dhamaan taageerayaasha wadaadka oo si aad ah uga xumaaday qaabkii ay Dawladda Federaalka ahi ula dhaqantay.
Sheikh Xasan Daahir, ayaa ka soo jeed Beel awood muuqata ku leh Magaalada Muqdisho, waxana beryahaaba soo baxayey hadalo lagu diidan yahay sii haynta waddaadka oo ka soo baxay gacanta Ururka Al –shabaab.
Somalidiasporanews.com.
Mugdisho/somalia.