|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Salaadiintii Dhex-dhexaadinta wadday ka Aqbalay inuu Kulan Garnaqsi ah la qaato Golaha Wadatashiga

Hargeysa:30-july-2013(SDN)Madaxweyaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) ayaa  la sheegay  inuu ka ogolaaday Salaadiintii  u kala dabqaadaysay  Xukuumaddiisa iyo Golaha wadatashiga iyo Toosinta qaranka ka Ogolaaday inay kulan Gaar ah isku soo horfadhiisiyaan labada dhinac.

Salaadintan isxilqaantay, ayaa Habeenkii xalay ahaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Siilaanyo, waxana wadahadal dheer ka dib uu Madaxweynuhu Ka Aqbalay salaadiinta ay Hortiisa yimaadaan Golaha wadatashigu oo ay hore xukuumaddiisu uga qaylisay.

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada  Somaliland, islamarkaana Al-baabadu u xidhnaayeen, ayaa ay salaadiintu madaxweynaha ugu sharxeen inay Golaha ka soo dhaadhiciyeen inay ka tanaasulaan Magaca ay la baxeen ooh ore xukuumaddu si kulul uga Biyo Diidday, waxana taa Beddelkeeda Madaxweynuhu halkaa ku Aqbalay inuu Diyaar u yahay  inay xubno ka tirsan Goluhu si gaar ah uga wada hadlaan dhaliilaha ay sheegeen.

Salaadiinta arrinta Dejinteeda isu xilqaamay, ayaa noqon doona cidda Goob-joogga ka noqonaysa kulanka uu madaxweynuhu la yeelanayo Golaha, iyagoo labada dhinacba  caddaadis ku saari doona inay dhameeyaan wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya.

Ilaa Haatan lama shaacin xilliga uu noqon doono kulanka dhex mari doona Madaxweynaha iyo Golaha wadatashigu, waxana inay  cayimaan wakhtiga rasmiga ah laga sugayaa Salaadiinta labada dhinac u kal dabqaadaysa.

Arrinta ayaa loo arkaa mid biyo ku shubaysa xurguftii siyaasadeed ee Ayaamahanba dhextaallay Golaha wadatashiga iyo Toosinta qaranka iyo xukuumadda, waxana muuqata in dedaalkii dheeraa ee salaadiintu uu midho dhal ku dhawyahay.

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axme (timo)

Hargeysa/Somaliland.

Mawliidguure@yahoo.com

Comments are closed