Al Shabaab oo Xabsiga u taxaabtay Dagaal yahano Ajaanib ah
Muqdisho July 30,2013(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa maamihii u danbeeyay xabsiga dhigay dhamaan horjoogeyaashii ajaanibka ahaa ee madaxda ka ahaa qaar ka mida guutooyinka Shabaabka.
Sidaana wax daabacay barta Internetka ee Gulf of Aden Security Review oo wax ka qorta arimaha amaanka.
Goaankan lagu qabqabtay ajaanibta Shabaabka ka tirsanaa ayaa waxa gaaray Amiir Mukhtaar Abu Zubeyr.
Waxaaney qabqabshadani u muuqataa in ay qeyb ka tahay khilaafkii hogaameed ee in muda ahba ku dhex jiray Shabaabka.
Horjoogayaashan Shabaabka ee Abu Zubeyr xabsiga dhigay ayaa ka kala yimi dalalka Yemen,Kiinya iyo Suudaan.
Ma cada waxa uu Abu Zubeyr ka yeeli doono saraakiishan ajaanibka ah ee uu xabsiga dhigay.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.co