|

Xubno ka mid ah Aqoonyahanka Reer Somaliland oo si Buuxda ugu dhawaaqay inay Taageersan yihiin Golaha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka

jjjHargeysa :-29-july-2013 (SDN)  Qaar ka mid Aqoonhanka Reer Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay taageero buuxda la garab taagan yihiin Golaha wadatashiga iyo Toosinta qaranka oo dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.

Shir jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Hutel Xaraf  ee Magaalada Hargeysa, ayey Aqoonyahankani ku sheegeen in hiil u yihiin 16-kii qodob ee Golaha wadatashiga iyo Toosinta Qaranku xukukuumadda Siilaanyo ku xujeeyeen inay jawaab ka bixiso.

Aqoonyahan Axmed Sandoon oo Ugu horraysn ka hadlay shirkaa jiraa’id, ayaa sharraxay ujoodooda kulankan “halkan waxanu isugu nimi anagoo ah qaar ka mid ah aqoonyahankii dalka oo is helay kuna qancay in dalku marayo marxalad adag oo dhinac walba ah, islamarkaana qawad badan ka muujinay Hay’adihii wax ka qaban lahaa ama ka hadli  lahaa ka gaabiyeen, annagoo kulankan ku muujinayna Taageero Buuxdana  ku barbar taaganahay Golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ee 16-ka qodob xukuumadda u soo jeediyey.” Ayuu yidhi Axmed Sandoon.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay aqoonyahan Xasan Jaamac Bacad oo ka tirsan xubnahan aqoonyahanka ah ee taageerada u muujiyey Golaha wadatashiga Somaliland, “muddo markaanu dersaynay  waxa dalka ka socda waxanu annagoo aqoonyahankii dalka ah oo qurbo joog iyo Qolqoljoogba isu jira,  aaminsanahay inay xukuumaddani ka leexatay majirihii loo doortay oo la gaadhay xilligii la taageeri lahaa inay xukuumaddu ka jawaabto waxa Golaha wada-tashiga oo ah rag miisan  waddanka ku lihi ay badka soo dhigeen.”

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay aqoonyahano kale oo aad u tiro badan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen prof. Axmed As-hari,  Aqoonyahan Maxmed Yoonis Cubeed, Cabdikarin Baande, Axmed Odowaa Cigaal iyo qaar kale oo farabadan.

Aqoonyahanadan oo dhamaantood ah reer Somaliland, ayaa ka dhiidhiyey waxa ay ugu yeedheen caddaalad darro dalka ka jirta iyo xukuumaddii oo sas ka qabta in dhaliisheeda loo sheego.

Xubnahan Aqoonyahanka ah  taageerayaal buuxa u ah Golaha wadatashiga iyo Toosinta qaranka, ayaa muujinaya sida Golahani  bulshada dhexdeeda taageerada ugu haysto inkastoo xukuumaddu isku dayeyso inay  dadka iyo Golaha dhexdooda dhigto sawir qaldan iyo si kale wax u macnayn.

Somalidiasporanews.com.

Axmed Cumar Axmed (timo)

Hargeysa Somaliland.

mawliidguure@yahoo.com

 

Comments are closed