Xukuumadda Siilaanyo oo wax Qabadkeeda ka Tirtirtay Doorkii Muuqday ee uu Maxamed Xaashi ku lahaa
Hargeysa :-29-july-2013 (SDN)Xukuumadda Axmed Siilaanyo oo habeenkii xalay xaflad ay ku iftiiminasyso waxyaabihii u qabsoomay muddaddii saddexda sano ahayd ee ay talada Dalka Haysay, ayaa Film Dokumentary ah oo dhamaanba masuuliyiinteedu ku jireen ka saartay Wasiirkii Hore Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa isagu ahaa mishiinkii dhaqaajiyey, islamarkaana horseedka u ahaa Guul kasta oo xisbiga Kulmiye ku Abuuray Horumar, isagoo dhidibada u taagay Hannaan iyo Hab wax ku ool ah oo lagu ururinayo Hanti umadeed oo markii hore meelo qaldan ku dhici jirtey.
Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa ay Gebi ahaanba dibadda ka dhigtay Barnaamijkaa kooban ee ay bulshada ugu soo bandhigaysay horumarkeeda oo laga sii daayey Tv-ga dawladdu maamusho, iyadoo inta badan masuuliyiinta xukuumadda oo ay ku jiraan qaar aan waxba soo kordhinine ay buux-dhaafiyeen.
Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ahaa shakhsi karti badan oo xukuumaddan maanta Talada haysa Ka saaciday inay ka baxdo khasnadihii madhnaa ee ay sheegan jirtey inay dhaxashay, isagoo sidoo ahaa ninkii mushaharka u kordhiyey ciidamada Somaliland.
Sidoo kale waxa uu Eng. Maxamed Xaashi intii uu wasiirka Maaliyadda ahaa lacag la’aan ka dhigay Dugsiyada Hoose/dhexe ee Somaliland, taas oo ah arrinta kaliya ee Shacabka reer Somaliland ku riyaaqaan amaba ay u haystaan horumarka kaliya ee ay xukuumadda kulmiye ilaa haatan ku tallaabsatay.
Isku soo wada duub oo waxa ay dadka intiisa badani ku macneeyeen inay sababta kaliya ee Maxamed Xaashi looga reebay waxqabadkan ay tahay Golahan xukuumaddu dhibsatay ee uu madaxda ka yahay, waxase xaqiiq inay xukuumaddu isku dayeyso inay cadceedda sacabka ku qariso, taas oo aan marbaba suurto gal ahayn maadaam shacabku si fiican u garanayaan wixii uu Maxamed Xaashi Dalka u soo qabtay iyo sidii uu ugu hagar baxayba.
Somalidiasporanews.com.
Axmed Cumar Axmed (timo)
Hargeysa Somaliland.