|

Wargeyska Hubaal oo sanad Guuradiisii 1aad ku soo dhaweeyay Xarig,Caburin iyo Daartoodii oo Duntay

Hargeysa July 29,2013(SDN)-Wrgeyska madax banaan ee ka soo baxa magaalada Hargeysa HUBAAL ayaa todobaadka u dabaal degi lahaa sanad guuradoodii kowaad hadaan Xukuumada Somaliland kula kicin Caburin iyo xarig.

Sidoo kale Xaruntii Xisbiga oo Boolis ku nool yihiin ayaa daartii ku xeereyd ay sababo aan la garaneyn u duntay.

Tafatiraha Wargeyska Hubaal Xasan Cabdilaahi Keefkeef ayaa deyrka xafiiskooda dumay ka waramay.

“Markii la ii sheegay subaxnimadii Sabtidii shalay (dorraad) markiiba waan tegey xarunta oo sida laga war qabo ay dhex degen yihiin Ciidamo boolis ah oo illaa xayiraadii bishii hore nalagu soo rogay jooga. mid kamid ah oo aan weydiiyey goorta dumay iyo Sababtiisana, waxa uu ii sheegay in uu goor habeennimo ah iska dumay deyrku.

Dilaacyo kale ayaa jira oo soo gaadhay Wajahadda hore ee dhismaha iyo xaggiisa dembeba, illaa haatanna ma hayno sabab rasmi ahaan aanu ku qanacsannahay oo khasaarahan na soo gaadhay loo tix raaco, kaasoo aanaan garanayn xataa xafiisyada guduhu sida ay wax u qabaan, maadaama oo aan la ogolayn in aanu galno xafiisyadda gudaha oo agabkii wargeyska iyo qalab kale oo xataa Mobilladayadii ku jiraan ku dhex qufullan yihiin, tan iyo markii xukuumaddu naga dareerisay”.ayuu yiri Tafatire Keefkeef.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed