Weedhihii Mas’uuliyiinta Qaranku ka Jeediyeen Marti qaad ay u sameeyeen Qurbejooga oo ay ku lamaanayd Soo Bandhigida Waxqabadka dawlada
Hargaysa 28.June (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Caawa ka qayb galay Munaasibad uu ugu Talo galay inuu Qurbejooga Somaliland Warbixin kaga Siiyaan Waxqabadkii u Hirgalay Xukuumada Mudadii Sadexda Sanno ahayd ee ay Hogaaminta qaranka haysay taas oo lagu qabtay Huteel Maansoor .
Waxaa halkaas ka hadlay Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada Ugu Horayn Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada Mudane Cismaan Saxardiid Cadaani oo hadal ka Jeediyay Madashaasi ayaa ugu baaqay Qurbo jooga Somaliland inay sii Libin Laabaan dadaalkooda ku aadan Horumarinta dalkooda hooyo.
Wasiirka Wasaarada Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa tilmaantay baahida loo qabo in wax laga qabto buundo loo sameeyo dooxa dacar budhuq oo Sannad kasta Galaafta Nolosha Nafo badan waxayna ka Codsatay in Meel Marinta arrintaas ay iska kaashadaan Xukuumada iyo Qurbejoogu .
Sidoo kale Waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo ugu baaqay Qurbo jooga Gobolada bari inay ka Shaqeeyaan Nabadgalyada isla markaana ay ka Waantoobaan wax kasta oo Colaad dhalin kara .
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa ka sheekeeyay Doorka Muuqda ee Qurbejooga Somaliland ay kaga Jiraan Gacan ka gaysashada arrimaha adeega bulshada,waxaanu uga Mahadceliyay Sida hagar la’aanta ah ee ay Qurbejoogu ugu hagar baxeen Wadankooda hooyo.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa ka sheekeeyay Doorka Muuqda ee Qurbejooga Somaliland ay kaga Jiraan Gacan ka gaysashada arrimaha adeega bulshada,waxaanu uga Mahadceliyay Sida hagar la’aanta ah ee ay Qurbejoogu ugu hagar baxeen Wadankooda hooyo.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Sheegay inuu Go’aansaday inuu dalkiisa u Shaqeeyo isagoo Xusay inuu Sannado badan ka hawl galayay Qaramada Midoobay waxaanu intaas ku daray inaanay Jirin wax ka qiimo badan inaad dalkaaga u Shaqayso,Wasiirku waxa uu ka dalbaday Xubnaha Qurbo jooga ah inay Sii Xoojiyaan Qadiyada Qaranimada Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Madashaas ka hadlay ayaa xusay in qurbejooga somaliland ay door weyn ka soo qaateen dhismaha qarankan iyo halgankii dalkan lagu Xoreeyay,Waxaanu Sheegay in Marti qaadka ay u sameeyeen uu la xidhiidho Sidii ay u Weynayn lahaayeen Kaalinta Qurbejooga dibaduhu ku leeyihihiin dalkooda Somaliland Isla markaana ay ka dalbanayaan inay dadaalkooda Sii libin laabaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com