Madal loogu dabaal degayo 3 Guurada Xukuumada,Iyo Iftiiminta Boogaha lagu Qarinayo Muraayada Akhtarka ah
Hargaysa 28.June (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud siilaanyo ayaa caawa Huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa Mansor hutel kaga qaybgelay xaflad ballaadhan ay xukuumaddu ugu talo gashay inay ku Qurbejooga Somaliland ee dalka ku Sugan ay Warbixin uga siiso Waxyaabihii u Qabsoomay Mudada Sadexda Sanno ah ee Xukuumada Xisbiga Kulmiye ay talada Qaranka haysay.
Amaanka Huteel Maansoor ayaa Si Weyn loo adkeeyay iyadoo dhaqdhaqaaqu uu yahay Mid Xadidan, Munaasibaddan, ayaa sidoo kale waxa ka soo qaybgalay Xubnaha Golaha Wasiirada,Madaxda Golayaasha Qaranka, Qurbo-joog Tiro badan, iyo marti sharaf kale,Inkastoo aanay ka soo Xaadirin Madasha ay Xukuumadu Keligeed ku dabaal degayso Shirgudoonada Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada,iyo Xisbiyada Mucaaridka ah.
Qaar ka Mid ah Fanaaniinta Qaranka ayaa Madashaasi ku Soo Bandhigay Heeso ka turjumaya dareenka Wadaninimo ee la rabo inay bulshada Somaliland ka sinaadaan.
Munaasibadan ayaa lagu Soo Bandhigay Filim ka Waramaya Waxqabadkii dhinacyada kala duwan lahaa ee Xukuumadu ku Talaabsatay Mudadii Sadexda Sanno ahayd ee ay Hogaaminta Qaranka Haysay,Kuwaas oo ay ka Mid Yihiin Kor u qaadka Dhaqaalaha iyo Miisaaniyada Qaranka,Furitaankii Ururada Siyaasada,Waxbarashada dugsiyada hoose oo bilaash laga dhigay,Mushahar kordhinta Shaqaalaha Dawlada iyo Ciidamada, Bixinta Derajada Ciidamada, Dhismayaal Cusub oo lagu soo Kordhiyay Hay’adaha Dawlada, Ku dhiirashada Wada hadaladii u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, ka Qaybqaadashada dhalinyarada ee Siyaasada iyo Hogaaminta Qaranka,Keenista Warlaliyaha Weyn ee Radio Hargaysa, Gaadhsiinta Telefishanka Qaranka ee daafaha dunnida, iyo arrimo kale.
Milicsiga Boogaha Jira ,Waxaa indhaha laga qabsaday Arrimo door ah oo Taabanaya Balanqaadyadii Xisbiga Kulmiye uu ku Galay Tartankii Doorashada Madaxtooyada ee Sadex Sanno ka hor Somaliland ka qabsoontay Kuwaas oo ay ka Mid yihiin Joojinta Tahriibka oo Noqotay Aafo Galaafatay Nolosha da’a yar badan iyadoo Maanka lagu Hayo Odhaahdii Xisbiga Kulmiye ee Xiligii Ololihii taas oo ah “Udub Way Tagaysaaye Ha Tahriibin Walaal”, Ilaalinta Xoriyatul Qawlka oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo Marar badan ku cel celiyay inuu yahay Hogaamiye mar walba dhawraya Xoriyada Saxaafada, Hasa ahaatee arrintan ayaa wax badan iska badaleen iyadoo Dawladan Sadex Sanno Jirsatay ay ku Suntan tahay Xukuumadii 1aad ee Somaliland soo marta ee xabsiyada dhigtay saxafiyiintii ugu tirada badnayd,Iyadoo Wakhti xaadirkan la joogana ay albaabada u xidhay mid ka mid ah Wargeysyada dalka ka soo baxa ee madaxabanaan gaar ahaan Wargeyska Hubaal iyo mataankiisa Ingiriisida ah.
Waxaa kale oo Isbedelay Dawladii Tirada yarayd ee Tayada badnayd ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku Hantay Quluubta Shacabka waxaa Xusid Mudan inuu Madaxweynuhu Sadex Sanno ka Hor soo dhisay dawlad ka Kooban 20 Wasiir iyo 6 Wasiir ku xigeen,halka ay Maanta Tiradu Marayso 46 Xubnood oo Ka Tirsan Golaha Xukuumada kuwaas oo isugu Jira Wasiiro, Wasiirul dawlayaal iyo Wasiir xigeeno,Taas oo Wacad fur ku ah Balanqaadyadii Madaxweynaha iyo Xisbigiisu u Jeediyeen Shacabka Somaliland .
Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu maanta way saddex jirsatay, dalkana waxa ka jira duruufo kala duwan. Waxase Madaxweynaha looga fadhiyaa inuu mar walba ka dhabeeyo himiladii loo doortay iyo balan qaadyadii uu doorashada kaga helay raggii la tartamay. Madaxweynaha waxa laga sugayaa oo waajib ku ah inuu bishan Julay bisheeda dambe dalka gaadhsiiyo horumarkii iyo himilooyinkii uu balan qaaday. Waxaanan ku soo gunaanadaynaa hambalyo Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa oo ay xukuumadoodu maanta saddex jirsatay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com