Wasiirka Wasaarada Caafimaadka oo Soo Kormeeray Goobaha uu ka socdo Talaalka Cudurka Dabaysha
Hargaysa 28.July (SDN) Wasiirka wasaarada caafimaadka Mud. Saleebaan Ciise Axmed (xagla toosiye) ayaa maanta kormeer uu ugu kuurgalayo habsocodka talaalka ku soo maray goobaha uu ka socdo Talaalka Cudurka dabaysha ee caasimada Hargeysa.
Wasiirka oo ay kor-meerkiisa ku wehelisay Madaxa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Somaliland Marwo Aasiya Cismaan, waxa ay kormeerkooda ku soo mareen Degmooyinka magaalada Hargeysa qaarkood ee uu ka socdo talaalka dabayshu. Iyaga oo socodkaas ugu
Kala gudbay Xaafado ka mid ah degmooyinka Maxamuud Haybe iyo degmada Axmed dhagax. Intii ay kormeer-kooda ku jireena waxa uu wasiirku u dhaba galay sida ay goobahaasi uga socto hwlaha talaalku, isaga oo degmada Axmed dhagax labadii dhibcood ee talaalka ku siiyey ilme ka mid ah caruurtii halkaa lagu talaalayey.
Mud,Saleebaan Ciise Axmed Wasiirka wasaarada caafimaadka, Waxa uu Waalidiinta Guud ahaan ugu baaqay inay caruurta geeyeen goobaha talaalku ka socdo, isaga oo xusay in cudurkan dabaysha uu yahay cudurada halista ku ah caruurta ee naafeeya haddii aan laga talaalin.
Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in ilaa hadda uu Dalka si wanaagsan uga socdo talaalku magaalooyinka iyo Jiidaha miyiga ah. Hawl-wadeenada hawshan talaalka wadaana ay si wanaagsan u guteen hawsha ay hayaan kuna amaanayo.
Cudurka dabaysha ayaa qof uu asiibay dhawaan lagu arkay degmada laascaanood, iyada oo dalka jaarkeena ah ee somaliyana lagu arkay dad uu ku dhacay xanuunkaasi
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com