|

Wasiirka Duulista iyo Hawada oo Sheegay in Maalmaha soo Socda uu dhamaystirmi doono dhismaha Madaarka Hargaysa

Hargaysa 28.July (SDN) Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa Sheegay in dhamaystirkii Garoonka Caasimada Hargaysa ay ka hadhsan tahay 420 Mitir isla markaana ay ku rajo weyn yihiin inay ku dhamaato Maalmaha soo socda .

Wasiirka ayaa hadalkan ka Sheegay mar ay Galabta Madaarka ku Booqdeen Wasiirada Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta,Hawlaha Guud,Wasiirul dawlaha Wasaarada Madaxtooyada oo ay ku lamaanaayeen Culimaa-u diin iyo Salaadiin kala duwan.

Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa Sharaxaad ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee dhismaha Madaarka Cigaal International Airport uu soo maray,Wasiirku Waxa uu Xusay in Mudo Shan labaatan Sanno ah uu Garatiin ahaan doono Marka la dhamaystiro Madaarka Isagoo Sheegay in dhamaanba adeegyada Madaarka ay kor u qaadeen isla markaana laga dheehan karo horumarka baaxada  leh ee Ku Soo kordhay.

Maxamud Xaashi Cabdi waxa uu tilmaamay in Roon waygii uu Ingiriisku dhisay uu boqolkiiba Lixdan burburay isla markaana ay haatan dib u qolof rideen kana dhigeen Mid Cusub,Wasiirku waxa uu Mahadnaq u soo Jeediyay Xubnaha Wasiirada,Culimada iyo Salaadiinta ku soo booqatay Madaarka Caasimada isagoo soo tusay dhamaanba dhismayaashii Cusbaa ee uu ku soo kordhiyay Madaarka .

Suldaan Axmed Daahir , Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab iyo Cismaan Xuseen Cali ayaa Wasiirka Duulista iyo Hawada ku amaanay Shaqada Culus ee uu ka qabtay madaarka caasimada iyagoo tibaaxay in Madaarku uu yahay Muraayada laga dheehan karo Horumarka uu dalku ku talaabsaday.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed